Animation

(Faalo+Warbixin) .Yaa dhinac kasta ka hagayay Weerarkii qorsheeysnaa ee lagu qaaday Hotel Saxafi ?

no responses
Monday November 2, 2015 - 8:34 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ma ahan sahal in Hotel Saxafi oo dhamaan amnigiisa la wada garanaayo si fudud lagu galo balse Shakiga ugu weyn ee jira ayaa ah in ugu yaraan la hagayay ragii weeraray Hotel Saxafi maadaama ay wada qaarajiyeen inta badan masuuliyiintii bartimaameedka ahaa .

Mudo dhoor sano ah Hotel Saxafi dhabarkiisa dambe waxaa laga hirgaliyay oo loo sameeyay goob amnigooda uu sugan yahay oo gawaarida la dhigto waxaana adag si lagu ogaado madaxda ama masuuliyiinta Hoteelka ku dhex sugan maadaama ay qaarkood irida hore lug kaga soo galaan .

Afafka hore ee Hoteelka waxaa xili hore lagu jaray dhagaxaan shub ah balse ma ahan markii ugu horeeysay oo ay kooxaha is qarxiya ka soo talaabaan dhagaxaantaas shubka ah maadaama qaraxyo la la beegsaday Hoteelo badan sidaas oo kale lagu galay .

Arinta ugu yaabka badan ee xusida mudan ayaa ah, in ugu yaraan la hagayay ragii weeraray Hotel Saxafi kuwaas oo ku labisnaa dharka ama Dareeska ciidamada Amisom Qaasatan Ciidanka Dalka Burundi waxeeyna si fudud ku soo dhaafeen dhoor bar koontarool maadaama Hotel Saxafi jiho kasta ay kaga yaalaan Xarumo dowladu leedahay oo aad muhiim u ah .

Gawaarida Hoteelka lagu hor qarxiyay ayaa ahaa kuwo cusub oo ka sii hor maray shantii Nin ee Hoteelka lugta ku galay balse ilaalada irida hore ee Hoteelka oo aan weerarka iska jirin ayaa waxaa waxyeelo xoogan ka soo gaartay labadii Qarax ee lagu kala dhuftay dhagaxaanta Shubka ah ee ku aadan irida hore ee Hotel Saxafi .

KISMAAYO24.COM
WQ:ABDI KAAFI ABDI ABDULLE

Facebook Comments