Animation

Faallo: Xildhibaannada labada Aqal waxa ay ka Turjumeen Rabitaanka Shacabka

no responses
Monday February 13, 2017 - 11:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyagoo tixraacay, isbeddel in la sameeyo ayay xildhibaannada abaareen inay ka soo xulaan ruuxa loo arkay inuu daacad ka yahay ku hoggaaminta dadka iyo dalka waddaniyad, horumar, dib u heshiisiin, abyad dhaqaale, dib usoo celinta amarka iyo kaladambeynta, dhameystirka dastuurka, tayeynta ciidammada qalabka sida, wada shaqeynta hay,adaha dowladda, iyo maamul gobolleedyada dalka taasoo wehlisa dib usoo celinta hantida qaranka ee dibadda iyo gudaha ku dayacan, kaasoo nasiib u yeeshay in musharraxiinta laga soo dhax xulo, Mudane, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo runtii  si diiran  shacabka ku soo dhaweeyay doorashadiisa.

Inkastoo howlo adag ay horyaallaan haddana, waa ruux ubisil siyaasadda soomaaliya.

Madaxweynayha cusub, ayaa marka ugu horreysa laga sugayaa inuusoo xulo Ra’iisul wasaare waddani ah, oo xilligan adag xukuumadda la soo dhisayo ku koontoroolli karo hawlaha ummadda u ikmatay ee ammaanada ah, kaasoo xubnaha baarlamaanku si wacan kula xisaabtimi doonaan mustaqbalka dhow qorshahiisa howl qabad.

Wada tashiga madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada aqal ayaa loo arkaa in ay ka soo bixi karto qorsho dhab ah ee horumarinta dalka, mar haddii saddexdoodaba ay ku sifoobeen soomaalinimo iyo waddaniyad inta laga yaqaanno.

Ra’iisul wasaaraha iman doona, ayey ku xiran tahay habka dowlad wanaagga Soomaaliya Alle kama dhigo shaqi.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, bal aynu eegno bilaha soo aadan maamulka rajada ay ka muujiyeen shacabka soomaaliyeed sida uu ugu hiiliyo hab-wanaagga dowladnimo, u garsoorka ummadda iyo qorsho howleedka xukuumadda sida uu u qanciyo xubnaha labada aqal iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynayaa maamulka cusub guul iyo horumar.

God bless Somalia.

Qoraa Sare: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)