Animation

FAALLO: Musharixii aan riyada kula kulmay guushiisa. by Mohamed Xuseen Aden

no responses
Monday September 5, 2016 - 10:27 under Breaking News by admin
mqdefault

Xilli hore ayaan xalay seexday, aniga oo raba in aan berri subax waqti hore shaqada aado, mana dhici jirin caadiyan in aan xilli hore seexdo, ee ma aqaan waxa xalay igu qaaday.

Caawa waxaa kale oo ay uga duwan tahay habeennadii kale, waa aniga oo dhex muquurtay riyo aad u miisaan culus, taasi oo meelo badan isoo dawaafisay. Waxaana riyadaasi iigu bilaabatay sidan :

Saaka waa maalin cusub, waxaa cirka hareeyey daruuro, waxaana dadku u muuqdaan kuwa faraxsan, haddiise la weydiyo sababta ay u faraxsan yihiin, waxay jawaabta noqoneysaa mid qura, waana hubaa inaad xiiso u qabto maqalka jawaabtaasi. Inta aanan ku siin jawaabtaasi, bal la tasho maankaaga, dugso garashadaada iyo waaya aragnimadaada, kadibna waxa kaaga soo baxay, maxay noqdeen ? Ma halka aan u socdo mise meel kale oo aan awrka ku wadin? Mooji, ee qofba garashadiisa u daa.

Daal badan ayey doonayaan inay ka nastaan, been badan ayey rabaan inay ka weecdaan, oo ay runta la deris noqdaan, musuq iyo boob ayeyna dadkan naftooda ka xanjaarayaan, wixii intaasi caksi u ah ayeyse rabaan, sida, deggenaansho, xaqiiq kawaranka waxa jira, dhowrista wixii guud iyo wixii gaar ahaaneyd ah. Sifooyinkaasi dariiq ay ku heli karaan ayeyna arkeen, waana mida keentay farxadda.

Aniga oo wali farta kuu darin muuqaalka aan arko iyo waxa ka dhex guuxaya dadka ayaan waxaan u weecanayaa hooyo Isniino oo hadal igula soo leexatay. Iyaddaa oo aan magaceyga iweydiin ayey hadal iiga bilowday :

“Maandhow, oogta muuqata iftiinkeeda ma aragtaa?”, weydiintaasi ma fahmin waxa ay ula jeedo, mana ku noqon hor boode fudud, ee waxaan si deggan ugu celiyey “Hooyo, ma fahmin weydiintaasi, ee maxay tahay sarbeebta ku duuggan weydiintaada”. Garatay, in aan ahay mid aan la socon dadka faraxsan, sidoo kalana duraamatay inay iga muuqato talaabo danbeyn dheeri ah.

Waxay u hollatay erayo suugaameed inay igula hadasho, kuuwaasi oo ay malaha is tiri “wax ayuu ku fahmi karaa”, maadaama ay ka cabbir qaadatay cirada madaxeyga ka muuqata.

Dadkeenii daluunkiyo
Daalka uu ka muuqdaa
Dib usoo kabtoo
Hoggaan diiran loo helay

Intaasi marka ay tiri, ayey dhankeyga soo dhugatay, waxay wajigeyga ka akhrisatay in fiigtaal igu jiro, macnaha in aan suugaanta fahmin, sidaasi darteedna aan doonayo hadal tiraab ah oo aan wax ku qaato.

Hooyo Isniino, ayaa hadalka qaadatay, waxayna mar kale tiri “Qorraxdii soo baxda, waxay wadataa faa’iidadeeda iyo khasaaraheeda, sidaasi darteed, waxaa maanta joognaa mid rajo leh”, hadalkeyga dulucdiisana waa intaasi, ee hooyo garo, ayey si deggan u tiri, kadibna dhinaca bari ii sii dhaaftay,aniga oo ka dhaqaaqin meeshii ay iigu timid.

Hoos ayaan ka iri “Hooyo, allaha ku dhowro, balse hadalkaaga waa sarbeeb aan hoos ka guntay, waana heli doonaa mar un jawaabta warkaaga”.

Aniga oo isla hadalkii ku jira ayaa waxaa ii yimid askari, markii aan arkay muuqiisa waan naxay, waxaan u qaatay inuu hadal iiga bilaabi doono “Ka soco meesha, maxaa aheyd oo qabataa iyo aqoonsikaaga keen”, ileen waa saddex oraah oo ay caan ku yihiin ciidankeenna, waana duruufta jirta ee dalka.

Askarigan waa ka duwan yahay filashadaasi, waxaa uu noqday nin farxada jirta dhankiisa ay ka saameysay, waxaana uu ii bilaabay rajo ay qabaan ciidanka uu ku jiro, suugaan ahaana iigu celceliyey erayaddan hoose:

Curadkii Shakuurbaa
Caadil noogu deeqoo
Calankiisa heynaa

Marka uu sidaasi iigu maansoonayo, waxaa uu sitaa sawir musharax Madaxweyne, toos uma fahmin, maxaa yeelay waa uu wal-finayaa,taasi oo ii sahlan in aan degdeg u fahmo, waxaase hadalkiisa iiga baxay dareen cusub.

musharax sax

Waxaan go’aansaday in aan meesha isaga dhaqaaqo, aniga oo aaday meel aan sheeda kore uga jeeday oo lagu xoonsan yahay, gudaha inta aan u gelin, waxaa banaanka tuban/dhooban dad badan, kuwaasi oo ay ka muuqato xiiso ay u qabaan inay gudaha madasha aan u socdo u galaan.

Waxa aan meeshaasi ugu socdo ma aqaan, waxa xilligan danbe isoo dheelmiyeyna ma fahmin, waxaanse arkaa inay ruuxdeyda ila hadleyso oo ay i leedahay “Guusha la filayo qeyb ka noqo “ .

Waxaan arkay odey 70 jir aan ku qiyaasay, waxaa uu dadka uga baxay gees, isaga un ayaa isla hadlaya, haddana qosol isugu jawaabaya. Taasi waxay i siisay in aan isaga dhankiisa u weecdo, bal weydiiyo waxa dadka uu banaanka uga istaagay iyo howsha meeshan ka socota xog iga siinteeda.

“Adeer, maxaa meesha kaligaa ku taagay”ayaan hadal uga bilaabay, isagana dhib iima arag ee waxaa uu warcelin ii siiyey “Guul hoggaamiye ayaan dartiis halkan u taagnahay”, mar kale ayaan ku iri “Xaggee ka imaanayaa, muxuuse hoggaaminayaa?”, Odeyga oo i fahmay in waxa dadka u yimaadeen meesha in aanan fahmin ayaa igu yiri “Doorashadii dalka ayaa maanta dhaceysa, waxaana rajaddu tahay in hoggaamiye fiican la helo”.

Intaasi marka ay afkiisa soo dhaaftay ayaan gartay, waxa ay igala hadlayeen hooyo Isniino iyo askarigii aan wadadda kula soo kulmay inay aheyd “Doorashada madaxtinimadda dalka iyo hoggaamiyaha laga filayo”.

Codadka taageerayaasha musharaxa guusha loo filayo ayaa sidii kaban uu garaacayo Abdi Baadil dhagaheenna u culaya. Bilicda dadka banaanka tubanna waxaa ku qiyaasi karnaa “Soomaalidii taagneyd habeenkii calanka xornimadda Soomaaliya la taagay”.

Waxaa go’aansaday in aan gudaha u galo madasha, si aan la iiga sheekeyn doorashada meesha ka socota, sidoo kalana aan marqaati uga noqdo musharax ay dadka aan arkay la wada faraxsan yihiin. Markii aan gudaha galayna, waxaaba madasha wada qabsaday sawirka musharax Abdirahman Abdishakuur.

Aniga oo aan salka dhigina waxaaba lagu dhawaaqay natiijadda doorashada, taasi oo aheyd in Madaxweynaha Soomaaliya ee 2016 uu noqday Abdirahman Abdishakuur. Dadkii ayaana damaashaad iyo farxad la istaagay.

Musharax Abdirahman Abdishakuur, Muqdisho, Soomaaliya

Musharax Abdirahman Abdishakuur, Muqdisho, Soomaaliya

Aniga oo farxadii qeyb ka noqday, maadaama aan Abdirahmaan Abdishakuur ku aqaanay inuu yahay aqoonyahan karti u leh hoggaaminta dalka, islamarkaana u jeel qabay isbadel laga sameeyo hoggaanka dalka ee horu-socodka noqon waayey, ayaan hurdadii kasoo toosay.

Halkaasi ayeyna riyadii aan u bixiyey “Musharixii aan riyada kula kulmay guushiisa.” Kusoo dhamaatay, waxaana sugnaa inay riyadaasi xaqiiqo noqoto iyo in kale.

Tanni waa riyadii ugu horeysay nolosheyda, marka laga eego dhanka siyaasada, waliba mid doorasho la xiriirta, waana dhici kartaa inay tahay saadaal iyo hordhac siyaasadeed oo dalka kusoo fool leh.

Ma aqaan sababta ay iigu timid riyo guul u ah Abdirahmaan Abdishakuur, Ma waxaan ku fasirnaa inuu ololihiisa ka xooggan yahay kuwa kale, ma boorarkiisa meelkasta suran, oo ay indhaha bulshada wada qabtaan baa, mise waa hadalkiisa ka soocan kuwa kale, ee ku dhisan deggenaanta iyo khibradiisa dowladnimo, maadaama uu xukuumado kusoo jiray ayaa saameyn ku yeeshay nolosheyda. Bal adiga meesha aad rabto u qaad, anigase u qaaday hoggaamiye hurdadii xitaa nagu saameeyey.

Qore: by Mohamed Xuseen Aden
Muqdisho, Soomaaliya,