Animation

Faallo: Fahamka qaldan ee xoriyadda Saxaafadda Soomaaliya

no responses
Saturday October 29, 2016 - 5:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Marka aan siddan leeyahay ujeedadu ma’aha in aan weerar ku ah
warbaahinta madaxabannaan, laakiin ujeedada aan ka leeyahay Qormadan waa laga soo bilaabo anniga oo ah qoraha maqaalka ilaa qofka ugu danbeeya oo ah adiga Akhristaha ah, in aan faham guud ka qaadanno xoriyada saxafadda, iyo sidda qaldan ee warbaahinta ama wariyayaashu u adeegsadaan.

Marka dib u eegis lagu sameeyo erayga ”xoriyad” waa eray micno
ballaaran xambaarsan oo xitaa lagu cadeeyay Diinta Islaamka, hasse ahaatee marka aad dhinaca kale eegto ma jirto xoriyada iska socta oo aan laheyn dabar ama xad soo celiya, sidda maanta in badan oo naga mid ah aan u isticmaalnay.

Korarka warbaahinta Soomaalida wixii ka danbeeyay bur burkii dowladdii dhexe waxaa laga dhaxlay in ay soo baxaan kooxo wariyayaal ah oo isugu jirra wiilal gabdho runtii aan laheyn khibrad ilaa xad ku fillan oo salka ku heysa mihnada ay ka shaqeynayaan ee saxaafadda oo u baahan in la ilaaliyo si aysan saameyn xun ugu yeellan bulshada inteeda.

Taas ayaa keentay in Idaacadaha, TV-yada iyo Wargeysyada Soomaalida ku soo bataan adeegsiga qaldan ee xoriyada saxaafadda oo loo arkay in wariyuhu u madaxbanaan yahay tabinta, wax kasta oo maskaxdiisa ku soo dhaca isaga oo aan u eegin waxaa uu sii deynayo saameynta bulsho iyo tan xitaa ay ku keeni karto natiisa.

In aad qof iska weerarto micnaheedu ma’aha in aad ku taagan tahay dariiqii xoriyada saxaafadda, laakiin taa waxaa ay noqon kartaa danbi gaar ah oo laga yaabo in marka danbe aad maxkamad ku muteysato, haddii aadan u heyn cadeymo waxa aad ka hadleyso.

Siddoo kale, wax yaabaha la yaabka leh ayaa ah in wariyuhu isku arko mar marka qaar qof ka duwan bulshada inteeda kale oo ay adag tahay in danbi loo raacdo, isaga oo mar mar siiyo ku fillan ka dhiganaya ”xoriyada saxaafadda”’ waxaadna arkeysaa wariye inta badan waqtigiisa ku bixinaya dhaleeceynta shaqsi, hay’ad ama koox bulsho oo laga yaabo in ay jirto colaad gaar ah oo kala dhaxeysa, waana dhibta ugu badan ee maanta ka jirta warbaahinta Soomaalida oo ay ka howlgalaan wariyayaal u arka Idaacadaha, TV-yada, ama Wargeysyada ay ka shaqeeyaan halka kaliya oo ay ku cad goosan karaan iyaga oo waliba ay ka muuqato caadifad qabiil.

Marka aan dib u eegno dowladdaha Mareykanka iyo Ingariiska oo ah kuwa ugu hormarsan Dimuquraadiyada, islamarkaana  dunida inteeda kale u meeriya ilaalinta xoriyda hadalka, kama jirto xoriyad iska socota oo aan laheyn sharci iyo nidaam haga, waxaana hubaal ah in guud ahaan warbaahinta ka howlgasha yihiin kuwo ku dul shaqeeya diilin sharciyeed oo aan dhinacna looga baxsan karin.

Waa sax in Soomaaliya ay adag tahay in la koontaroolo hab dhaqanka wariyaha, laakiin taa badalkeeda mas’uuliyada ugu badan waxaa ay saaran tahay milkiilayaasha & agaasimayaasha warbaahinta madaxabanaan oo waajib uu ka saaran yahay ilaalinta hab dhaqanka iyo anshaxa ay tahay in loo maro adeegsiga xoriyada saxaafadda.

Xoriyada saxaafadda micnaheedu waa in wariyaha la siiyo fursad uu ku gudan karo  waajibkiisa shaqo, isaga oo aan la caburin, ” Tusaale ahaan wariyuhu waxaa uu xaq u leeyahay tabinta war run ah oo leyska hubiyay halka laga soo xigtay xitaa haddii uu warkaasi yahay mid aan u wanaagsaneyn dhinac kale,iyo in aan wariyaha lagu sameyn faafreeb ka baxsan sharciga sidda waddamada qaar ka dhacda oo wariyayaasha lagu cadaadiyo in warka ay u dhigaan si aan aheyn siddii saxda aheyd, iyadoo la ilaalinayo dano gaar ah oo siyaasadeed.

Wariyaha Soomaaliga ah ee xiligan shaqeynaya waxaa uu waajib gaar ah ka saaran yahay dib u dhiska dalkiisa, iyo tabinta macluumaad wax dhisaya ee aan umadda sii kala fogeyn, taas macnaheedu ma’aha in uu ka tago xaqiiqda jirta iyo dhacdo u baahan in bulshada loo gudbiyo [Laakiin sharuuda ku xirran tahay Run ahaansho] oo aan laga laheyn ujeedooyin kale oo maldahan.

Qof wariye ah oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay in mar marka qaar uu naftiisa weydiiyo su’aasha ah nooca xoriyada saxaafadda ee Soomaali ka jirta, madaama ayuu yiri uusan jirin nidaam iyo sharci kala xadeynaya arintan?

Dabcan jawaabta su’aasha waa tan ay tahay in uu is weydiiyo wariye kasta oo Soomaaliyeed, waayo marka aad su’aashan jawaab waafi ah u hesho waxaa ay kaa caawin doontaa in aad wax badan ka ogaato dhibta ka jirta fahamka qaldan ee xoriyada saxaafadda!

Aniga qoraha maqaalkan ah ayaa aamisan in dilka, xariga iyo waliba mar marka qaar dhibaatada shaqada ka soo gaarta wariyaha sababteeda ugu weyn tahay adeegsiga qaldan ee xoriyada saxaafadda oo laga yaabo in intaas oo dhan uu ku muteysto war uu sii dayay oo gaf ku ah shaqsi, koox ama qeyb ka mid bulshada.

Ugu danbeyntii, ka shaqeynta warbaahinta macnaheedu ma’aha in wariyuhu ku tunto xaq uu qof kale leeyahay, taa badalkeedana waxaa muhiim ah in aan u wadda aragno xoriyada laga hadlayo tan qurxisa muuqaalka shaqada wariyaha iyo warbaahinta uu ka howlgalo marka loo adeegsado siddii saxda aheyd.

W/ Qoray C/raxmaan Diini