Breaking News Somali News Top News Xulashada K24

FAALLO: 2012KII WAXAAN KA BAXNAY KUMEEL GAAR, BALSE 2016 WAXAAN GALNAY DADAB.

Inkasta oo laga yaabo in dad badani ay is weydiiyaan ujeedka cinwaanka hadana waxaan shaki ku jirin qaar badan inay ku jahwareeraan micnaha saxda ah ee qormadan, oo ah mid aan ku eegayo aragtideyda shaqsiga ah afartii sano ee naloo sheegay inaan helnay dowad rasmi ah oo aan kumeel gaar ahayn, rajada aan qabnay in aan 2016 gaarno qof iyo codna ay ahayd mid saaxadda ka buuxday ilaa aakhirkii sheekadu ay nagu noqotay amakaag iyo filan waa.

Sanadkii 2012dii Soomaaliya oo dhan waxay ku socotay marxalad raja abuur ah, dadkuna waxay ku jadbeysnaayeen dowladnimada iyo in dib loo soo celiyo kalsoonidii iyo sharaftii qaranimada Soomaaliyeed, laakiin isbedel aan kumeel gaar ahayn oo dalkii ka dhacay wuxuu dhalay kala firdhad, raja beel iyo kala orod dad badan oo dabaysha wadaniyaddu ay haysay ku dhacay.

10kii September sanadkii 2012dii Soomaaliya waxay macsalaameysay KMG kii iyo hogaamiyihii rajadaas abuuray ee Shariif Shiikh Axmed oo suura galiyay 42 sano kadib in Madaxweyne si nabad ah loogu doortay gudaha dalka xilka loogu wareejiyo si nabad gelya ah walibana Madaxweynihii laga guulaystay uu u balan qaaday wada shaqeyn iyo in dalka horey loo sii wado.

Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynihii Guuleystay wuxuu balan qaaday waxyaaba badan oo ay ugu muhiimsanaayeen in dalka uu gaarsiin doono meesha uu ka qabtay meel dhaanta, aakhirkana la qaban doono doorasho qof iyo cod ah lagana gudbi doono nidaamka qabaliga ee 4.5ta oo Soomaaliyadii burburtay ay kusoo socotay tan iyo markii milatarigii hubaysnaa dalka jabahadaha hubaysani ay xoogga uga saareen.

SHAQADA LAGA SUGAYEY DOWLADDII RASMIGA AHAYD.

Shaqa aan sahlanayn ayaa laga sugayay dowladdii aan KMG ahayn ee uu xilkeedii qabtay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynihii dowladdaasi oo xilkeedii uu ku ekaa 10kii September 2016, waxaana ugu waaweynaa:-

· SUGIDDA AMNIGA IYO CIRIBTIRKA ALSHABAAB

· DHAMAYSTIRKA DASTUURKA KMG EE FEDERAALKA, TIRAKOOB DADWEYNE IYO AFTI LOO QAADO DASTUURKA MARKA LA DHAMAYSTIRO.

· HIRGALINTA DOORASHO QOF IYO COD AH 2016

· HELISTA GARSOOR MADAX BANAAN IYO DHISMAHA MAXKAMADDII DASTUURIGA AHAYD

Hadaba qodobadaas afarta ah ee ugu muhiimasana wixii laga sugayay dowladdii rasmiga ahayd maxaa laga fuliyay, maxaase aan waxba laga qaban oo meel la iska dhigay.

QODOBKA AMNIGA IYO CIRIBTIRKA SHABAAB.

Waxa uu ahaa qodobka ugu ahmiyadda badan maadaama Soomaaliyada cusub la rabay in ay xor ka noqoto qatarta kooxaha nabad diidka ah oo ay ugu horeeyaan maleeshiyada Shabaab iyo dagaalada qabaliga ah, aan la qaban wax muuqda oo maanta loo sheegi karo bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa adag inaad ku qanacdo iyada oo ay jiraan 30 kun oo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed ah, iyo 22 kun oo ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, in afartii sano aysan si rasmi ah ugu guulaysan amniga guud ee dalka.

Waxaa magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho tira laba jeer ah la weeraray xaruntii madaxtooyada qaranka oo amnigii Madaxweynaha ay waxyeelo gaarsiin tageen kooxda mayalka adag ee Shabaab, sidoo kale waxay weerareen xaruntii golaha sharci dejinta qaranka ee Barlamaanka, Xarunta maxkamadda gobolka Banaadir, hoteelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, maqaayado xeebta liido ku yaal iyo xarumo ay kamid yihiin garoonka dyaaradaha iyo dekadda magaalada Muqdisho.

Afar sano gudaheed waxaa Muqdisho oo kaliya ka dhacay 49 qarax oo ismiidaamin ah, 1500 oo askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya, halka AMISOM looga dilay 650 askari, iyo shacab aan tiradooda rasmiga ah la qiyaasi Karin, waxaana xaaladdii ay noqotay mid horseeday in la noqdo wel-wel ku nool, waxaadna arkaysaa biro waawey iyo dhagxaan amnigii lagu aaminay oo lagu xeray meel kasta oo loo arko inay ka dhow yihiin madaxda dowladda waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho.

Waxaa is bedelay 3 wasiir amni, shan taliye ciidan oo nabad sugidda ah, iyo kuwa kale oo milatariga ka tirsan, waxaana awooddooda muujiyay maleeshiyada shabaabka oo qofka ay rabaan ku ugaarsada magaalada, weerarna ku qaada xaruntii kusoo dhacda.

Waxaa is weydiin mudan shabaabka tira ahaan kama badna haddiiba circa la geeyo 10 kun oo naf lacaari halka ciidanka qaranka iyo kuwa shisheeye ee jooga gudaha dalka marka la isku geeyo ay yihiin 52 kun oo askari, kana qalab iyo agab wanaagsan, haddana ma dhicin in si rasmi ah looga hortago qatarta kooxdaas oo afartii sano caqabad ku noqotay horey u socodka dowladnimada dalka, waa su’aal furan oo u baahan in qof kasta uu is weydiiyo maxaa loo dabar jari waayay kooxdan naf lacaariga ah ee dhuumaaleysiga ku jirta? Way sahlantahay jawaabta haddii aadan runta ka leexan waana in aan xil gaar ah la iska sarain sababteey doontaba ha ku timaadee.

Afar sano kadib ma jiro Amni la isku hubo oo ay keentay dowladdii taasii oo ka dhigan in wixii loo igmaday qodobkii ugu muhiimsanaa ay ku fashilantay.

DHAMEYSTIRKA DASTUURKA, TIRAKOOBKA DADWEYNAHA IYO AFTI LOO QAADO HADDII DALKU FEDERAAL NOQONAYO.

Waa arrin dastuuriyan ahayd in dowladdii rasmiga ahayd ay wax ka qabato, dalkuna uu yeesho dastuur rasmi ah oo aan ku meel gaar ahayd, islamarkaana ay sameyso tira koob dadweyne, si afti loogu qaado shacabkuna ay go’aan uga gaaraan bal haddii Soomaaliyada cusub ee la federaaleeyey ay raali ka yihiin iyo in loo laabanayo nidaamkii dowlad dhexe oo xoog leh.

Taasi bedelkeeda afar sano kadib weli dastuurku wuxuu joogaa meeshii 2012 lagu ogaa, iska iloow tirakoob dadweyne oo rasmiya, hana kusii xisaabtamin in bulshadu ay dastuurkaas u codeeyaan, go’aanna ay ka qaataan haddii ay federaal rabaan iyo haddii aysan raali ka ahaynba.

Waxaa la dhihi karaa qodobkaan isagana dowladdii rasmiga ahayd way dayacday oo waxay waqtigeeda galisay wax aan laga fileyn sababtii ay doontaba haku dhacdee.

QABASHADA DOORASHO QOF IYO COD AH 2016

Heshiiskii kala guurka ayaa ahaa in dalka laga qabto oo dowladdii rasmiga ahayd ay gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, si muwaadin kasta uu go’aan uga gaaro cidda matalaysa oo hoggaanka u noqonaysa, waxayna is qabqabsi siyaasadeed oo dowladda ka dhex jiray dowladda dhexdeeda aakhirkii natiijadeeda ay noqotay in aan la qaban Karin laguna bedelo doorashadii loo wada hanweynaa ee qof iyo cod wax loogu yeeray DOORASHADA DADBAN ee 2016, taasi oo iyada lafteeda weli aan la hubin qabsoomiddeeda oo u sii socota sanadka 2017, welina lagu heshiin la’yahay in si rasmi ah loo qabto, xilli waliba hay’adihii dastuuriga ee dalka iyo madaxweynihiiba waqtigii uu ka dhamaaday.

Fashilka doorashada qof iyo cod ah ayaa waxa dusha laga saaray dowladdii rasmiga ahayd, maadaama xilligii intiisii badnayd ay ku qasaarisay khilaafadka maamul goboleedyo ismooda inay ka awood badan yihiin dowladda dhexe, iyo R/wasaarayaal 3 ah oo is bedbdelay mudadaasi oo khilaafku uu noqday mid lugaha ka qabtay horumarro badan oo la gaari lahaa.

HELISTA MAXKAMAD DASTUURI AH IYO GARSOOR MADAX BANAAN

Balanqaadkii Dowladdii rasmiga ahayd ee Madaxweynihii Xasan Shiiq waxay kamid ahaa dhismaha maxkamadda dastuuriga ah ee dalka oo kala saarta isqabsiga aan dhammaan ee madaxda qaranka iyo helista garsoor madax banaan oo caddaalad u horseeda shacbiga jahwareeray ee dhibaatadu ay ku habsatay mudadii dagaalada sokeeye, si kalsoonidii iyo Soomaalinimadii loo soo celiyo, hase yeeshee taasi ma dhicin, oo hoggaankii dowladda waxa uu meel cad isku hilmaansiiyay dhismaha maxkamadda dastuuriga ee dalka.

Ujeedka ugu weyn ayaa ahaa in aan la helin awood dhex-dhexaad u noqota is qabsiga kalana saarta madaxda midba iskiis u socdo, waxaana sidoo kale la dafiray helista garsoor madax banaan maadaama musuq-maasuqa iyo wax is dabnamarinta madaxda uu noqdey mid ay dunidu ku maadasato oo Soomaaliya ay mar walba qaaddo koobka musuq-maasuqa caalamka tusaalana loogu soo soo qaato adduunyada inteeda kale.

XUSUUSTEYDA SHAQSIGA EE AFARTII SANO EE DOWLADNIMADA RASMIGA

Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu bulshada horteeda ka sheegay inuu soo dhamaaday khilaaf iyo is qabqabsi, 3da ugu sareysa dowladda ee Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamaankana ay ku dhaarteen in ay afarta sano wada dhamaystaan oo aan la is khilaafi doonin, taasi oo noqotay hal bacaad lagu lisay, sanad kadibna banaanka timid.

Shaqsiyan xusuustayda muwaadinimo afartii sano ee Dowladdii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa ugu waaweyn khilaaf iyo qabsi cuuryaamiyay dowladnimadii dalka, iyada oo laba xukuumadood oo ay kala hogaaminayeen Dr Saacid Faarax Shirdoon iyo Dr Cabdiweli Sh Axmed la riday.

Xukuumaddii Saacid waxaa lagu xusuusan doonnaa dhamaystirka xiriirka caalamiga ah ee maanta lagu faanayo, waxaana loo ridey oo barlamaanka loo geeyey inuu rido sababo la xiriira wada shaqeyn la aan, laakiin xaqiiqdu ay ahayd in saaxibada madaxweynaha oo wasiira ka ahaa dowladdaasi ay is qabteen R/wasaarahoodii sidaasna loo riday oo Madaxweynihii uu la saftay saaxiibadiisii.

Waxaa taariikhda galay in Ra’iisul Wasaarihii laga hor istaago in xitaa uu barlamaanka iska difaaco eedeymaha loo soo jeediyay maadaama sharciga qaranka uu u ogolaa in uu ka jawaabo dhammaan eedihii loo haystay, ayna ka dhalatay in la rido, waxaa halkaasi ku qasaaray sanad buuxa oo wax badan la qaban karay.

XUKUUMADDII CABDIWELI

Xukuumaddii bedeshay tii Saacid lafteeda ma noqon mid lagu negaado, durbadiina waxaa yimid khilaaf lamid ah kii uu ku Baxay R/wasaarihii kaga horeeyey xilka ee Saacid Faarax Shirdoon, waxaana ay isqabteen saaxiibada gaarka ah ee Madaxweynaha ee Faarax Cabduqaadir iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo labaduba ku jiray golaha xukuumadda, sidii la filayayna Madaxweynaha uu la saftay saaxiibadiisi mooshinna laga geeyey barlamaanka, iyada oo la isticmaalayay guddoomiyaha barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Inkasta oo marar kala duwan uu baaqdey mooshinii lagu ridi lahaa oo Cabdiwelina uu laf dhuun gashay ku noqdey madaxtooyada aakhirkii laaluush ayaa looga adkaaday oo barlamaanka ayaa kalsoonidii kala laabtay oo maalin cad ayaa lagu yiri isaga taga xafiiska maadaama Madaxeynaha aad ka hortimaadeen.

XUKUUMADDII SHARMA’ARKE

In badan ayaa aad u la yaabtay in la soo celiyo R/wasaare hore maadaama aan horey nidaamyadii la arkay aysan dhicin in la soo celiyo shaqsi hore, haddana waxoogaa kooxda madaxtooyada way ku nasatay inkasta oo lagu qasbay in liiska laga saaro raggii ay saaxiibada ahaayeen madaxweynaha oo loogu bedelo rag kale oo fikir ahaan u dhow.

Waxay noo balan qaadeen in doorashada qof iyo cod ah ay qabanayaan oo howshaasi ay tahay howl loo igmaday laakiin markii ay lix bil un joogeen ayay si cad u sheegeen in aysan suuragal ahayn in la qaban karo doorasho qof iyo cod ah oo ay tahay nidaam kale in loo maro doorashada 2016, waxaana aakhirkii waqtigooda oo dhamaadey darted noo sheegeen in la qaatay doorasho dadban oo dadku ay aad ula yaabeen.

KHILAAFKA MAAMUL GOBOLEEDYADA IYO ABUURISTA KUWA CUSUB

Aafar sano oo khilaaf siyaasadeed ah waxaa natiijadiisii ay noqotay isqab-qabsi u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada aan dastuuriga ahayn, iyada oo maamul kasta uu ku hanjabayay in uu xiriirka u jaray oo ayba dhacaysay in dalalka shisheeye lagu heshiisiiyo dowladdii dhexe iyo maamulada qaar.

Khilaafkii Jubaland iyo dowladda wuxuu lumiyay sanad xukuumaddu ay qaban kartay shaqa aad u fara badan, is adkeyn dheer kadib aakhirkii waxaa dowladda dhexe lagu qasbay inay taageerto sharciyadda Jubaland oo markii hore ay diidanayd, kadib shir lagu qabtay magaalada Addis ee dalka Itoobiya.

Puntland iyo dowladda waxaa dhowr jeer dhacday in xiriirkooda uu xumaado, kadib markii madaxda Puntland ay ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe, waxaana la sameeyey si loo buuxiyo doorashada dadban Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo labaduba qayb ka ah maanta maamulada dalka ka jira ee awoodda u leh inay gaaraan go’aamada masiiriga u ah dalka.

BARLAMAANKII DAYACNAA

Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ahaa hay’adda dastuuriga ee sharci dejint dalka iyaga xaalkoodu wuxuu noqdey mid aan la is weydiin, waxaana jeebka gashtay Madaxtooyada oo gacanta ku haysay Guddoomiyahooda Maxamed Cismaan Jawaari, taasi oo ka hor istaagaysay inay gutaan shaqadooda.

37 hindise sharciyadeed 7 kaliya ayay meel mariyeen, 2 xukuumadoodna waa ay rideen, wixii ka dambeeyey shaqdoodii waa la waayay, waxaana ay ku wareejiyeen hogaamiyayaasha maamulada dalka iyo sadexda ugu sareysa dowladda oo sameystay Madal aan dastuuri ahayd oo loogu magac daray Madasha Qaranka, taasi oo noqotay hay’adda go’aan ka gaarta doorashada dadban ee 2016.

Beesha caalamka oo madashan u sacab tuntay lafteeda maanta yaab iyo amakaag ayay ka joogtaa, waxaa gabi ahaanba ay hay’adihii dasturiga ay noqdeen kuwa la ilaabay oo go’aan ka gaarista masiirka dalka waxaa laga sugaa Hogaamiyayaasha Madasha oo qayb weyn ku leh kushubashada iyo takrifalka baahsan ee ka dhacay dhammaan doorashooyinkii labada aqal ee dalka, taasi oo maanta xaalka gaarsiisay heer shaki la galiyo sax ahaanshaha natiijada doorashada dadban oo 2016 halkii ay dhici lahayd gaartay 2017, tiiyoo weli aan la hayn heshiis rasmi ah oo lagu galo doorasho.

Xildhibaanada barlamaankii 9aad ayaa loo daaray filin maaweelo ah, iyaga oo loo kala diray raadsiga kuraas gobolada la dhigay, iyaga oo la hilmaansiiyay inay ahaayeen sharci dejiyayaasha qaranka oo ahayd in madasha ay ku xisaabiyaan go’aan kasta oo ay gaaraan kuna qasba in la horgeeyo barlamaanka.

Gaba-gabadii natiijadii afarta sano waxay noqotay in dowladdii xilligeeda uu ka dhamaaday, dalkuna uu ku jiro marxalad adag ayna go’aanka iyo masiirka dalka ay qaateen 8 hogaamiye oo aad moodo inay u dhaqmayaan sidii qab-qablayaashii dagaalka oo ku gorgortamaya shaqsiyaadka usoo kala baxay ee ku jira labada aqal in aan laga taaban markii afaraadna go’aankooda dib loogu dhigay doorashada, haatanna laga sugayo jadwal cusub oo aan la ogeyn xilliga uu noqonayo.

Helista doorasho qof iyo Cod ah ayaa naloogu bedelan doorasho Dadban oo lafteeda jahwareer uu ku taagan yahay xilliga ay dhacayso, sidaasi daraadeed 2012 aanba ka baxno kumeel gaare maanta 2016 waxaan ku joognaa dadab iyo doorasho dadban oo si dadbanna loo dib dhigayo.

Qore: Maxamed Yuusuf

E-mail: ahom.fusuy@gmail.com

Related posts

DFS Oo Arrin Naxdin Badan Ka Sameysay Muqdisho, Shacabkii Oo..

admin

TOP NEWS: Dhageyso Wada hadallo u dhaxeeya galmudug iyo ahlu-sunna oo maanta toos uga furmaya muqdisho

Tifaftiraha K24

Dowladda Talyaaniga oo Soomaaliya ka taageerayso amaanka & bini’aadannimada

Tifaftiraha K24