Faahfaahinta Qarax Goordhaw ka dhacay Degamadda Afgooye.

0

Faahfaahino dheeraada ayaa ka soo baxaya Qarax ismiidaamin ah oo maanta duhurkii lagu weeraray kolonyo gaadiidka ciidanka dawladda soomaaliya ah xilli ay marayeen meel aan ka fogeyn Koontoroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qarax uu geystay khasaaro naf iyo maalba leh, wallow aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhshay qaraxaasi.

Qof goobjooge ah ayaa ii xaqiijiyay inuu arkay askar ka tirsan ciidanka dawladda oo waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarakaasi, iyaga oo sheegay in ay ku dileen 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Majirto wax war oo ka soobaxay Saraakiisha dawladda ee la xiriira Qaraxaan la la beegsaday ciidanka Dawladda.

Wixii ku soo kordha halkaan, kala soco: