FaahFaahinta Dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo Dawladda oo Ka Socda G/Hiiraan

0

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegayaa in deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolkaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in uu yimid kadib markii tuulada lagu Magacaabo Bulacle ay howlgal amniga lagu xaqiijinaya ka bilaabeen Ciidamada dowladda Soomaaliya sidaasna uu dagaalka ku bilaawday.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo sheegayaa in dagaalkas uu ka dhashay waxaan haatan xiisada dagaalkaas sidoo kale laga dareemayaa Degmooyinka Maxaas Matabaan iyo Degmada Buulo Burde ee isla gobolka Hiiraan.

Wixii ku soo kordha halkaan kala soco: