Somali News

Faahfaahin Wararkii ugu danbeeyay Qaraxii Magaalada Muqdisho Ruxay Maanta.

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ahaa oo Maanta ka dhacay wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee ka leexata Km4 gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Afrik.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa Goobta waxaa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu yaalla goob Bakin ah oo ka mid ah hotelka,waxaana sidoo kale Goobta ka agdhow Bar-koontorool oo ciidamada Dowladda ay ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

Waxaa sidoo kale halka uu qaraxa ka dhacay ku yaalla kaalin shidaan oo la sheegay in uu soo gaaray burbur xoogan,waxaana qaraxaasi inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 12 Ruux iyo dhaawaca 15 kale oo qaar ka mid ah ay ahaayeen kuwo u socday xajka oo Maanta diyaar ku qornaa.

Hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaas,waxaana xusid mudan in qarixii labaad ee bil gudaheed ah uu ka dhacay agagaarka Koontoroolka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

Related posts

Top News: Gudoomiyaha Galgaduud Cirfo oo u hanjabey Odoyaal.

admin

DAAWO MUUQAALKA: Dorashada Kenya” Rabshada U Dhaxeya Ciidamada Iyo Mucaaradka

admin

Daawo Muuqaal iyo Sawirro: Ciidamo kale oo ka socda Howlgalka Amisom oo Maanta la geeyay Magaalada Cadaado

Tifaftiraha K24