Top News

Faahfaahin: Dil Toogasho ah iyo Kala Carar oo Saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka milateriga dowlada Soomaaliya ayaa saaka lagu dilay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen askarigan oo ku sugnaa agagaarka Suuqa Bacadlaha oo ku dhow Ceelgaabta.

Ragga wax dilay ayaa goobta ka baxsaday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo xiligi la dilayey halkaas ku dhowaa.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa sida caadada ah wax yar ka dib gaaray goobtaas, iyagoo qaaday meydka askariga la dilay, waxayna halkaas ka sameeyeen howlgalo, lamana oga iney dad u soo xireen dilkan.

Dilalka lala beegsado askarta iyo dadka kale ee dowlada u shaqeeya ayaa sanadahan ka mid ahaa nolol maalmeedka dadka Muqdisho, waxaana dilalkan masuuliyadooda sheegata inta badan kooxda Al-shabaab.

Related posts

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo Fariin ku aadan dagaalka Tukaraq u diray C/wali Gaas(Aqri)

admin

Wasiirka Gaashaandhigga oo faah faahiyay shirka Golaha Amniga

Ahmed sudani

Jawaari Oo Xulafo Samaystay Iyo Khayre Oo 40 Wasiir Oo Xildhibaano Ah U Dagaalamayaan

admin