Somali News Top News Xulashada K24

Faahfaahin Dagaal dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland.

Wararka naga gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi iska horimaad Kooban in uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

Wariyeyaasha gobolka Sool ayaa soo sheegay in ku dhawaad hal Saac uu socday iska horimaadka u dhaxeeya ciidamada maamulka putland iyo somaaliland.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah degaanka Tukaraq oo soo xigta dhanka Puntland, waxaana la sheegay in markii labadda ciidan isku dhaceen ay ku jireen howlgal ciidamada Somaliland.

Xaaladda degaanka Tukaraq ayaa hadda degan, balse waxaa jirta wali Xiisad colaadeed, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal ka dhaco.

Saraakiisha ciidamada ee degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin Khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka sool.

Iska horimaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramadda Midoobey ay waday dadaallo Nabadeed oo ku aadan sidii ciidamada halkaasi ku sugan loo kala qaadi lahaa.

Related posts

Baaq ku socda wixii Soomaali sheegta ee in yar oo damiir ahi ku hadhay

admin

Top News: Puntland oo maanta siideyneysa Maxaabiis ku xiran Magaalada Garoowe, Iyadoona……..

Tifaftiraha K24

Warbaahinta Imaaraadka Oo Ka Carootay Booqashada Farmaajo Ee Qadar AKHRISO.

admin