Animation

Faah Faahin+Sawirro: Qaraxii ka dhacay Maka Al-mukarama oo la shegay in Ganacsade lala Beegsaday+Magaciisa

no responses
Monday September 5, 2016 - 12:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Taliyaha Qeybta Guud ee booliska gobolka Banaadir ayaaSheegay in qarax ka dhacay meel u dhow saldhiga degmada waaberi ee gobolka Banaadir aanu geysan wax qasaaro ah.

Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa ganacsade lagu magacaabo Xuseen Jaamici oo gaarigiisa lagu soo xiray, balse qaruxu uu dhacay markii gaariga uu ka dagay ganacsadahaasi.

Waxaa jira dhaawac fudud oo ganacsadaha soo gaaray, sidoo kalena wiil caseeye ama baalashle ah ayaa isna dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi.

Xaalada halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa iminka dagan iyadoo ciidamada amaankana ay ku howlan yihiin dadaaladooda dhinaca sugida amniga.

1-g 2-3 DSC01086-768x576 DSC01089-768x576 DSC01092-768x576 DSC01095-768x576 DSC01096-768x576Qaar kamid ah Sawirrada Quxooxdooda waxa leh Idaacada Mustaqbal