Animation

Faah faahin: Taliyihii Booliska Gobolka Shabeelada Dhexe oo Caawa lagu dhex dilay Guri uu Jowhar ka dagnaay

no responses
Saturday January 21, 2017 - 7:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe, Khaliif Cabdulle Carfaaye, ayaa waxaa caawa lagu dilay qarax lagu weeraray gurigiis.

Taliyaha oo ku sugnaa barxadda hoygii uu ka deganaa Magaalada Jowhar, ayaa waxaa lagu weeraray bambada nooca gacanta laga tuuro.

Ciidamada Ammaanka ayaa Hadda Baaritaano ka wada Magaalada Jowhar ee Xarunta Sh/dhexe

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayan in qaar ka mid ah askartii ilaalada Taliyaha, ay ku dhaawacantay qaraxaasi, waxaana askarta loo qaaday goobaha caafimaadka.

Al Shabaab, ayaa waxay sheegteen masuuliyadda qaraxa khasaaraha gaystay ee caawa ka dhacay Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ee Magaalada Jowhar.

Facebook Comments