Animation

Faah Faahin Rasmi ah: Siyaasi Caan ah iyo Maleeshiyo uu watay oo Maanta Xoog ku joojiyay shirka ka socda Magaalada Jowhar isagoona ku goodiyay hadii la furo shirka in……

no responses
Friday October 14, 2016 - 10:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

kooxda weeraray xarunta ayaa waxaa hogaaminayay Siyaasi horey uga soo shaqeeyey gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cali Xasan Taakow oo sheegey in uu u tartamayo xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle isalamarkaana isaga baxeen xarunta gelikii dambe ee maanta, iyadoo aanu dhicin wax iska hor imaad ah.

Cali Xasan Taakow oo gudaha xarunta warbaahinta kula hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in meesha musuq maasuq lagu hayo, go’aankii shalayna uu yahay mid aysan aqoonsaneyn.

Siyaasiga ayaa sheegay in shirka uu xiran yahay, haddii la isku dayo in shirka lafurna wixii ka dhaca masuuliyadiisa ay qaadeyso Dowladda Federaalka ah iyo ciddii ku taageertay, isaga oo awoodda uu ku joojiyey shirka ku sheegay in ay tahay midda shacabka.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka gobalka Shabellaha Dhexe wali midna kama hadlin dhacdadan oo shaki galin karta amniga goobta shirka mar kooxo hubeysan ay si sahlan ku qabsan karto xarunta shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Malayshiyo hubeysan oo uu hoggaaminaayo nin siyaasi ah ayaa maanta oo Jimce gudaha u galay xarunta uu ka socdo shirka lagu dhisaayay maamulka Hirshabelle ee gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.