Animation

FAAH FAAHIN: M/weyne kuxigeenkii P/land oo lagu xeray Magaalada Hargeysa….

no responses
Tuesday September 6, 2016 - 5:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Madaxweyn ku xigeenkii hore ee Puntland in muddo ah lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Somalilad.

Xayiraada lagula kacay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland C/samad Cali Shire ayaa la sheegay inay qaadatay muddo saacado ah oo uu maxbuus ku ahaa Garoonka, halkaasoo ciidamada nabadsugidda ay ka qabteen.

Intii uu xirnaa C/samad Cali Shire ayaa waxaa dhacday in laga reebay diyaarad uu la socday oo ku sii jeeday dalka Jabuuti, wuxuuna garoonka Hargeysa ku ahaa sii marid (Transit) oo kaliya.

Arrintan kadib ayaa xaaladda ay soo farageliyeen dad ehel iyo siyaasiyiin ka tiran Somaliland, waxaana markii dambe suuragal noqotay in xoriyadiisii dib loogu celiyo C/samad Cali Shire lana dejiyay hotel ku yaala Magaalada Hargeysa.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, waxaana aad looga hadal hayaa magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.