Animation

Faah faahin: Mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Maanta ka bad baaday Qarax gaarigiisa loogu xiray+Magaciisa

no responses
Monday January 23, 2017 - 11:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan Qarax Saakay ka dhacay Wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa uu si gaar ah uga dhacay dhabarka dambo ee shaneemo Soomaliya waxaana uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo uu leeyahay Mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka.

Ninka gaariga qarxay lahaay ayaa Waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Afrax waxaana uu kamid yahay shaqaalaha wasaaradda arimaha Gudaha.

Gaarigaan ayaa la sheegay in uu kaligiis qarxay Ninkii wadayna uu ka bad baaday oo Marka uu gaariga ka dagtay waxyar un kadib ayuu gaariga qarxay mana jirto wax qasaaro ah oo ka dhashay qaraxa.

Facebook Comments