Animation

Faah Faahin: Maxaad kala Socotaa Duqeyn Dhanka Cirka ah oo ka dhacday Deegaanka Tooratoorow Yaase lala Eegtay Duqeynta??? War ayaan idinkaga heynaa

no responses
Friday September 23, 2016 - 12:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tooratooroow oo hoostaga degmada Qoryeeleey ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo waramaya in duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo marayay Galbeedka Magaalada Tooratooroow.

Guddoomiyaha dagmada Aaw-dheegle Maxamed Aweys Abuukar ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday Kolinyo Gawaari ah oo ay la socdeen Horjeegeyaal Sarsare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Maxamed Aweys ayaa sidoo kale Xusay in la duqeeyay laba dhisme oo ku yaalla isla magaalada, halkaas oo lagu bartilmaameydsaday horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo la socday gawaarida la buruburiyay.

“duqeyn ayaa maanta ka dhacday galbeedka magaalada Tooratooroow, waxaa la burburiyay oo bartilmaameedku ahaa laba gaari oo ay la socdeen Horjoogeyaal ka tirsan al-shabaab oo la baacsanayay, sidoo kale saldhig iyo guryo ay daganayeen kooxda al-shabaab ay la beegsaday” ayuu yiri Mudane Maxamed Aweys.

Dadka Deegaanka ku Nool ayaa wax ay sheegen in ay Maqleen Dhawaqa Qarax xoogan iyo Uuro Madow oo marqura Cirka isku shareertay iyagoona kala garan waayay in Qarax uu yahay iyo in Duqeyn ay tahay.

Maleeshiyaadka Kooxda al shabaab ayaa dadweynaha ku amray in ay guryahooda kasoo bixin, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka naga soo gaaray ay ku waramaya in kooxdo ay joojisay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii isusocodkii Magaalada.

Illaa hadda makala cadda inta uu la egyahay qasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo cidda fulisay, hasayeeshee waxaa muddooyinkaan Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay howlgallo qorsheysan ka fulinayay deegaanada ay dalka Soomaaliya kaga suganyihiin maleeshiyaadka kooxda al-shabaab.

Facebook Comments