Animation

Faah Faahin: Maxaad ka Ogtahay Qasaaraha uu sababay Shil Gaari oo Maanta ka dhacay Deegaanka……

no responses
Saturday September 24, 2016 - 4:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Shilka  ayaa yimid ka dib markii Gaari xowli ku socday uu wadada kaleexday kadibna uu jiiray dad maraayay wadada geeskeeda sida ay  sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa Laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 4-ruux sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay u gurmadeen dadkii ay dhibaatada soo gaartay , islamarkaana loola soo cararay isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho