Animation

Faah faahin laga helaayo kooxo hubeysan oo ganacsade ku dishay bartamaha suuqa beerta ee dagmada waabari

no responses
Sunday June 11, 2017 - 9:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan dableey hubeysan oo nin ganacsade ah ku dishay dagmada waabari ee gobolka banaadir.

Dilka waxa uu ka dhacay Afaafka Hore ee Suuqa Beerta degmada Waaberi waxaana dilka geestay kooxo bastoolado ku hubeysan.

Allaha ha u naxariistee ninka la dilay oo ahaay sarifle ayaa lagu magacaabi jiray  Axmed Maxamed Aadan waxaana uu kamid ahaa sariflayaasha suuqa beerta.

Dableeyda dilka marxuumka geesatay ayaa goobta ka baxsatay waxaana soo gaaray ciidamada dowladda oo baaritaan halkaa ka bilaabay.

Alle ha u Naxariistee Axmed Maxamed Aadan  oo 68 Jir ahaa ayaa ka mid ahaa Ciidamadii hore ee Dowladdii Milatariga ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.