Animation

Faah faahin laga helaayo dil magaalada boosaaso loogu geestay taliye ku xigeenkii saldhigga….

no responses
Wednesday August 9, 2017 - 11:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo Hubeysan ay Bartamaha Boosaaso ay ku dileen Taliye Ku xigeenkii saldhiga bartamaha Magaaladaas Cabdi Dheere.

Kooxaha Hubeysan ayaa la sheegaya in ay taliyaha ku dhufteen dhowr Xabado ka dibna ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.