Animation

Faah faahin laga helaayo dagaal culus oo saakay ka dhacay dagmada warshiikh

no responses
Thursday June 22, 2017 - 1:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ka dhacay dagmada warshiikh ee gobolka shabeellada dhexe.

Dagaalka ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka wadatirsan milatariga soomalia oo ku sugan dagmada warshiikh.

Lama oga dagaalka waxa uu salka ku haayo iyo sababta uu ku bilowday ha yeeshee waxaa la soo sheegaya in qasaaro uu geestay dagaalka ciidamada dhexmaray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu daba socdo muran habeenkii xalay ciidamada ku dhexmaray bar koontarool oo dagmada laga soo galo.

Cidamada dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya halkii ay ku dagaalameen waxaana socda dadaalo lagu kala qaadaayo ciidamadaasi.