Faah Faahin Laba Qarax oo Maanta Muqdisho ka dhacay iyo qasaaraha ka dhashay

0

Laba qarax oo miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa saakay waxa ay ka dhaceen magaalada muqdisho ee caasimadda dalka soomalia.

Qaraxa koowaad waxa uu ka dhacay xaafadda oodweyne ee dagmada dayniile waxaana lala eegtay gaari uu watay guddoomiye laameed iyo askar la socotay waxaana la xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay guddoomiye laameedka iyo hal askari waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray askari iyo qof shacab ah oo maraayay halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay wadada warshahdaha gaar ahaan agagaarka warshadda biyaha caafi waxaana la sheegay in qaraxaas uusan khasaaro geysan.