Animation

Faah Faahin : Laba Qarax oo lala Beegsaday Goob ay Ciidanka Booliska Baaritaano ka wadeen oo ku taala Magaalada,….+Sawirro

no responses
Saturday October 8, 2016 - 1:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Labo qof oo  waday Baabuur walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa weerar ku qaaday goob ay  ciidanka Booliska dalka Turkiga ay ka sameynaayeen howgal oo ku taalla Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Qaraxyada lagu diyaariyay goobta ay ciidanka ammaanka ay ka wadeen howgalka.

Labada qof ee is qarxiyay ayaa la sheegaya in ahaayeen Lab iyo dhidig sida ay shaacisay wakaalada wararka ee dalka Turkiga , waxaana la sheegaya in Qaraxyadaasi ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka dowladda Turkiga.

Ilaa iyo hada lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyada ka dhacay dalka Turkiga , laakiin inta badan weerarada lagu qaado dalka Turkiga waxaa lagu eedeeyaa kooxda PKK oo dagaal culus kula jirta dowladda Turkiga.

89e8aa802c48964ebcb261a9319a6057_l

Police forensic experts examine a car after a blast detonated by two militants, in the countryside of Haymana near Ankara, Turkey, October 8, 2016. REUTERS/Stringer

Police counter terrorism officers stand in a farm after a blast detonated by two militants, in the countryside of Haymana near Ankara, Turkey, October 8, 2016. REUTERS/Stringer

Facebook Comments