Animation

Faah faahin: Ku dhawaad afar ruux oo xoola dhaqato ah ayaa lagu dilay deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud,

no responses
Tuesday June 13, 2017 - 12:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud, maleeshiyaad hubaysan ayaa Afar qof oo shacab ah waxa ay ku dileen deegaankaasi.

Dadka la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen reer guuraa, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Kaxandhaale duleedkeeda xilliga falka dilka ah loo gaysanaayay.

Waxgaradka deegaanka ayaa soo qaadey meydadka dadka la dilay, waxaana goobta isaga baxsaday sida la sheegay maleeshiyaadkii wax dilay.

Deegaannada gobolka Galgaduud waxaa ku soo badanayay dilalka sidan oo kale ah, iyadoo aysan jirin xal rasmi ah oo arrimahan laga gaaray.

Odayaasha deegaanka ayaa wada dabagal ku aadan maleeshiyaadka falka dilka ah gaystay iyo waxa ay yihiin si loo soo ogaado.