Animation

Faah faahin kooban oo laga helaayo qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada…..

no responses
Sunday February 5, 2017 - 10:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu hada ka heleyno dagmada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose ayaa waxa ay sheegayan in kooxo hubeysan ay bambo gacmeed ku tuureen ciidamo dowlada ka tirsan oo ku sugnaay Boosteejo baabuurta laga raaco oo ku taala dagmada afgooye.

Boosteejada laga raaco baabuurta aada deegaanka toora-toorow ayaa la sheegay in uu qaraxa ka dhacay waxaana halkaasi ku sugnaay ciidamo dowlada ka tirsan.

Lama sheegin qasaaro ka dhashay qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro dableydii tuurtayna ay goobta ka baxsadeen sida goob joogayaal ay sheegeen.

Afgooye waxaa ku soo laab laabtay qaraxyada loo adeegsado bambo gacmeedka iyo weeraro toos ah oo xoogaga alshabaab ay dhowr jeer kusoo qaadeen dagmada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose.a