Animation

Faah Faahin Kooban: Dilkii Magaalada Cadaado loogu geestay Mid kamid ah Ergada Beesha Murasade+Magaciisa

no responses
Wednesday November 16, 2016 - 9:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa Waxa ay ka soo baxay Toogasho Maanta ka dhacday Afaafka Hore ee Xarunta Doorashada Aqalka Hoose ee Magaalada Cadaado.

Mid kamid ah Ergada Beesha Murasade ee Dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Beeshaasi uga Mid Noqonaya ayaa Lagu toogtay Ilinka Hore ee Xarunta ay ka socoto Doorashada.

Marxuumka la toogtay Waxaa lagu Magacaabi jirey C/llaahi Carraale Dibbed, wuxuuna ka Mid ahaa Odayaasha soo xulay Ergooyinka Doorashadda ee ku sugan Cadaado.

Lama Oga Sababta loo toogtay Ninkaan kamid ahaa Ergada Beesha Murasade ee ku sugan Magaalada Cadaado .

Toogashada waxa ay kusoo beegantay Iyadoo Ergada Wax dooraneysa ay u Codeeyeen Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow in uu kamid Noqdo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Galmudug kaasi oo Beesha Murasade u matali doona Aqalka Hoose.

Maamulka Galmudug weli kama aysan Hadlin Toogashada ka dhacday Afaafka Hore ee Xarunta Doorashada Aqalka Hoose ee Magaalada Cadaado.