Somali News

Faah faahin: Inta la xaqiijiyay seddex ruux oo labo kamid ah ay yihiin caruur oo ku geeriyootay dagmaa kaxda kadib markii…..

Raashin gargaar ah oo loogu tala galay qoysaska abaarta kasoo barakacay ayaa waxaa maanta lagu boobay dagmada kaxda ee gobolka banaadir.

Raashinka waxaa lagu boobay Meel u  dhow Xaruntii hore ee Hay’adda Daryeel Bulsho Guud ee DBG duleedka muqdisho.

Deeqdaan raashinka ah waxaa bixineysa dowladda imaaraadka carabta waxaana loogu tala galay dadka tabaaleysan ee abaarta kasoo qaxay.

Inta la xaqiijiyay ilaa seddex ruux ayaa ku dhimatay isbuurasho halkaasi ka dhacday waxaana seddexda ruux ee dhimatay laba kamid ah ay yihiin caruur halka qofka seddexaad ay aheyd haweeney da’ ah.

Caruurta dhimatay mid kamid ah waa 8 bilood jir waxaana jiiray dad kala cararaya kadib markii ay rasaas fureen ciidamada dowladda oo ku sugnaay halka raashinka lagu qeybinaayay.

Inta badan raashinkii loogu tala galay qoysaska barakacayaasha ah ayaa la boobay sida maamulka dagmada kaxda uu warbaahinta u xaqiijiyay.

Waa markii ugu horeysay oo boob lagula kaco raashin loogu tala galay qoysaska abaaraha kasoo barakacay ee ku nool duleedka muqdisho.

Related posts

Daawo Sawirrada: Qarax ay ku dhinteen Ugu yaraan 100 Ruux oo ka dhacay Koonfurta Magaalada….

Tifaftiraha K24

Haweeney Somali oo lagu kufsaday Xero Qaxooti oo ka hadashay sababihii looga soo masaafuriyey Australia

admin

Qaar ka mid ah Musharaxiin u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo Isbaheysi sameestay.

admin