Somali News

Faah Faahin: Genaraal Ka Tirsan Booliska Dowladda Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo daqiiqado kahor ka dhacay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir,kaasi jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Muqdisho.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano SRUF ayaa lagu soo xiray qaraxaas,isla markaana uu lahaa Genaraal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya sida Dalsan ay u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda.

Sidoo kale gaariga ayaa qarxay xili uu marayay afafka hore ee Dekadda weyn ee Muqdisho,waxaana la socday Genaraalka ka tirsanaa Ciidanka,iyadoo uu soo gaaray dhaawac Culus.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana Saraalka dhaawiciisa loo qaaday mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee leedahay dowladda.

Related posts

Daawo: Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Wariye Maxamed Ibrahim Macalimu.

admin

DEG DEG: Madaxii Maaliyadda Alshabaab Maxamad Jeelle oo Howlgal qorsheysan lagu dilay ( Dowladdu maxay ka tiray?)

admin

War hada: Qofkii looga shakisanaay in uu ka dambeeyay Weerarkii Berlin ka dhacay oo lagu dilay Magaalada…..

Tifaftiraha K24