Somali News

Faah faahin dheeraad ah oo laga helaayo Weerar Bambaano ah oo xalay ka dhacay Maqaaxi ku taala…..

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Hal ruux uu ku geeriyooday seddex kalana ay ku dhaawacmeen Xalay kadib Bam gacmeed lagu tuuray goob maqaaxi ah oo ku taalada xaafadda Xaawo Taako.

Dadka qaraxa ku waxyeelobay ayaa dhammaantood ahaa shacab. Meel u dhaw goobta la weeraray ayaa waxaa joogay ciidamo ka tirsan Dowlada.

Dableydan qaraxa geystay ayaa baxsaday, iyadoo dadka dhaawacmayna la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne halkaa oo ay xaaladooda caafimaad kula tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo goobta tagay ayaa halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Related posts

DEG DEG: Weerar gaadmo ah oo lagu qaaday Kolonyo AMISOM ah & Khasaare ka dhashay

admin

Xaaji Xuseen Gacayte iyo Ra”iisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya oo Bosaaso Kulan ku Yeeshay.

admin

Daawo: Baaqa Nabadda oo ay si wada jir ah u dirayaan dad bulsha dhaxdeeda caanka ah

admin