Animation

Faah Faahin: Dabeylo Xoogan oo ku Dhuftay Deegaano ku yaala Bariga Gobolka….

no responses
Saturday September 17, 2016 - 9:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dabeylo xoog leh ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhufteen deegaanno dhaca bariga gobolka Mudug.

Meelaha ay dabeeyluhu ku dhufteen waxaa ka mid ah xeebaha magaalada Hobyo, waxeyna dabeeylahaasi hakad geliyeen howlihii kaluumeeysiga.

Wararka ayaa sheegaya in dabeeylahaasi ay waxyeello gaarsiiyeen qaar ka mid ah doomihii kaluumeeysatada, wuxuuna intaasi ku daray in dabeeylahaasi awgood ay kaluumeystadi kari waayeen iney galaan badda.

Qiimaha kalluunka ayaa sare u kacay suuqyada magaalada Hobyo, kaddib markii ay hakad galeen howlihii kaluumeysatada, kaddib dabeeylo ku dhuftay xeebaha magaalada Hobyo.

Dhinaca kale biyo la’aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa deegaanno hoos yimaada degmada Hobyo, taasoo saamen ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada,