Animation

Faah faahin: Ciidamo Mareykan ah iyo Alshabaab oo Dagaal Toos ah uu ku dhexmaray Deegaanka…….

no responses
Tuesday November 29, 2016 - 10:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wararka aynu ka heleyno Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Xalay Dagaal xoogan uu ka dhacay Deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose kaasi oo u dhaxeeyay Alshabaab iyo Ciidamo Ameerikaan ah.

Ciidamo Maraykanka ah ayaa kasoo degtay Diyaarado kadibna iyagoo lugeynaya ayay usoo jihaysteen Magaalada Tooratoorow oo ku jirta gacanta Alshabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Mareykanka ah marka ay diyaarada kasoo dageen in Qarax Miino lala eegtay Inkasto aan la ogeyn qasaaraha ka soo gaadhay Waxaana Warbaahinta Alshabaab taageerta ay saakay baahiyeen in Ciidamada Mareykanka ay doonayeen in Magaalada ay soo galaan oo Howlgal qorsheysan ay ka fuliyaan Balse Dagaalyahanada Alshabaab ay weerarkaasi fashiliyeen Sida Warbaahintooda ay ku sheegeen.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Lama Oga Qasaaraha ka dhashay Dagaalka dhexmaray Alshabaab iyo Ciidamada Mareykanka Waxaana Toora-toorow ku sugan Dagaalyahanada Alshabaab.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Xalay Rasaas culus ay Maqlayeen oo Magaalada ka dhaceysa waxaana Dadku ay ku beertay Cabsi xoogan.

Ma ahan Markii ugu horeysay oo Ciidamada Mareykanka ay weerar ku qaadayan Deegaanka Toora-toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose Dhowr jeer ayey weeraro qorsheysan ku qaadeen Mareykanka oo ay la socdaan Ciidamo soomali ah oo Kumaandoos ah.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.