Animation

Faah faahin: Alshabaab oo gurigeeda ugu galay haweeney la shaqeyn jirtay ciidanka dowladda kadibna gowracay

no responses
Wednesday May 10, 2017 - 9:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno dagmada mahadaay ee gobolka shabeellada dhexe ayaa waxa ay sheegayan in kooxda alshabaab ay habeenkii xalay gudaha dagmadaasi ku gowraceen qof dumar ah oo la sheegay in ay la shaqeyn jirtay ciidamada dowladda.

Dableey hubeysan oo la rumeysanyahay in alshabaab ay ka tirsanyihiin ayaa gurigeeda oo ku yaala dagmada mahadaay ugu galay Hooyo Faadumo Maxamed Maxamuud oo ku Magac dheer Gaabo waxaana ay dibadda usoo saareen hooyo faadumo kadibna waa ay gowraceen sida wararka aynu ku heleyno.

Kooxda hooyo faadumo gowracday ayaa goobta ka baxsaday waxaana waxyar kadib soo gaaray ciidamada dowladda oo baaritaan ka bilaabay xaafaddaha dagmada mahadaay .

Mahadaay waxaa maamulada dowladda federaalka waxaana ku sugan ciidamo aad u badan oo dowladda ka tirsan lamana oga sababta dagalamayaal shabaab ka tirsan ay dagmada gudaha usoo galaan weliba gurigeeda ay ku gowracaan qof dumar ah.