Somali News

Ex Wasiir Hore Mudane Juxo oo taageeray khudbadii uujeediyey Madaxweynaha Maamulka.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka hadlayey arrimaha Puntland ayaa soo dhaweeyey shirweynaha wadatashiga ee uu shalay ku dhawaaqay madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Deni.

Juxa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in khudbadda Deni lagu soo aadiyey, xilligii ugu haboonaa ee laga tashan lahaa Aayaha dambe ee Puntland.

Sidoo kale siyaasagaan ayaa tilmaamay in dooda ku aadan dowladnimada Soomaaliya iyo qaabka loo wajahayo ay tahay mid soo daahday oo loo baahnaa in la qabto xilli hore.

Wuxuu sidoo kale Juxa intaasi ku daray in muhiim ay tahay in 22-sano kadib markale dadka reer Puntland ay is-dultaagaan Soomaaliyada cusub.

HALKAAN KA AKHRISO:

Related posts

Sacuudiga Oo Xukun dil ah ku fuliyey Shaqaale U Dhashay Dalka Indonesia

Sakariye Sakariye

Dhagayso+Sawiro:- RW Cabdiweli oo Kormeer ku sameyeey Xarumo Muhiim ah Muqdisho

admin

XOG: Maxaa u dambeeyay oo ku soo kordhay Saraakiishii Jubbaland ay ku xirtay Garoonka Kismaayo?

admin