Animation

Ex Wasiir Cali Xaaji Warsame Muxuu kayiri Doorashadii Guddoomiyaha Barlamaanka PL

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 9:47 under Maqaalo by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirkii Hore ee Waxbarashadda Dowladda Puntland ayaa ka hadlay Doorashadii shalay kadhacday Caasimada Dowladda Puntland ee Garowe,kaas oo lagu doortay Axmed Cali Xaashi,Cali Xaaji ayaa maqaal dheer ka qoray isbadalka kuyimid baralamaanka Puntland

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Isfahanka iyo isla jaan qaadka goloyaasha Dawladda sida Garsoorka Wakiilada iyo Xukuumadda wuxuu sare u qaadaa hanaan u socodka Dawladda, socdaalkaas oo ay Dawladdaasi ku higsanayo inay ku gaarto baraare iyo nabad… Haddii Goloyaashaasi noqdaan kuwa aan wada shaqayni ka dhaxayn Dawladdaasi waxay noqotaa mid aan horumar ku tillaabsan aakhirkeedana fashilan ku dhaco… Markii dhanka arimaha dibadda xaajadu cakiran tahay, waxaa aad muhiim u ah midnimada Goloyaashaas…

Cali Xaaji wuxuu ka sharqamiyey cabsi uu ka qabo in Goloyaasha Dawladdu is fahmaan isagoo hadalkaas u dhigay inay isku milmaan… Wuxuu Golaha Wakiilada u tilmaamay in caqabado siyaasi ah ay horyaalaan, caqabadahaas oo uu ka carab baabay, dhaqalaaha, xiriirka DF iyo Puntland, midda ugu muhiimsanna ay tahay kalsoonida shacabka iyo Golaha Wakiilada… Wuxuu kaloo oo uu carabaabay Amniga iyo cabashada mushahar la’aanta, doollarkii oo kor u kacay iyo arinta dhaqaalaha la xisaabtankeedu yahay arin aad muhiim u ah…

Haddaan yare hummaagsanno arinta ah isku milanka, Cali waxaa mucjiso ku noqotay 41 ka xildhibaan oo isku halka waddo maray… Hadaad khudbaddii Dhoobo ee kaftanka yar uu ku daray ee ahayd Dawlad iyo qof baan ahayn… Ma mooddaa in hadalkaas isku milanka Cali ku tilmaamay la mawqif yahay Kaftankaas Dhoobo… Runtii waa hadal is waydiin mudan waxa labadaas hadal ee kan Cali Xaaji iyo Kaftanka Dhoobo isku waddada qaadsiiyey isku hal maalin gudahood…

Dhanka xiriirka DF iyo Puntland, haddaan hadalka Cali bilaa turxaan ka dhigno, Golaha Xukuumadda oo ah Golaha Dawladda u qaabilsan Dhanka Siyaasadda, oo ay legdankaas culus kula jirto DF, oo sidaan ognahay ku tumatay Dastuurkii qodobbo badan oo ka mid ah, una sii dheerayd in DF isku dayeen inay waqtiga kordhistaan… Oo ay Dawladda Puntland arintaas Ku darsiga iyo ku Tumashada Dastuurka genefka ku dhufatay… Maanay u muuqanayn in ruux kasta oo wax garad ah inay Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumaddu arintaas ka midoobaan oo meel ugasoo wada jeensadaan si ay usoo dhacshaan xuquuqda shacabka ay labaduba matalaan oo ay shaqaalaha u yihiin… Haddaba ruuxii cabsi wayn ka qaba Isfahanka dhex mara Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumadda iyadoo ay jirto xad gudubka DF ay waddo… Soo in la is waydiiyo ma mudna cabsida ay ku keeni karto isfahanka dhex mara labadaas Gole…

Dhanka Amniga Waxaan ognahay in Puntland isbedel ballaaran ka samaysay dhanka amniga oo ay yaraadeen dhibaatooyinkii faraha badnaa ee keeni jiray amni xumada… Runtiina waa arin Allah swtc loogu mahad naqo Isagaa awood oo dhan leh… Waxaan warbaahinada caalamiga ah ee Sweden iyo USA kasoo baxa ay qireen in Puntland ku tallaabsatay dhanka amniga horumar wayn, mudan yihiinna in lagu ammaano… Haddaba Shaqsiga Puntland wanaaggeeda doonaya ee aan taas ka bogaadin… Aniga Caqligaygaan yari wixii ii tusayaa, inuu yahay ruuxaasi, ruuxaan danaynayn wanaaga iyo sumacadda Shacabka Puntland… Waxaanna rumaysnahay in Golaha Wakiiladu aniga wax badan iga caqli badan yihiin oo ay arintaasi u muuqato…

Dhanka dhaqaalaha, biloowgii Dawladdaan haatan xukunka taladiisa haysa waxaa jirtay in laleemo kaga dhacday dhanka dhaqaalaha… Maantase uu dhaqaalaha Puntland marayo meel aad u sareeya oo aanay cidna daah ka saarnayn, habkuu ku yimi haku yimaadee… Tashuush ku furidda iyo ku jihaynta Golaha Wakiiladda arintaas, sababtay in dhaqaalaha Puntland kobco… Wuxuu iila muuqdaa ruux aan wanaag doon ahayn…

Waxaan ka war haynaa in adduunka oo dhan sarifka lacaguhu isbedel ku yimaado oo doollarku marna kaco marna hoos u dhaco, kicidda iyo hoos u dhacu, labaduba maahe mid Puntland keliya u gaar ah… Waxaanba xasuustaa iyadoo shacab badani ka cabanayaan hoos u dhaca ku yimi Doollarka, khaasatan suuqayada Muqdisho iyo Boosaaso… Waxaan kaloo xasuustaa iyadoo boqolka doollar saddex milyan lagu sarifo oo aan koobka shaaha ah ku cabbi jirnay kun shilin… Kadibna dhaqaalo hoos u dhacii saameeyey dhammaan adduunka oo dhan uu saamayn ku yeeshay maciishadda dibadaha laga keeni jiray taasina kalliftay in koobkii shaaha ahaa noqdo saddex kun, arinta haatan farta lagu fiiqayana markay joogsatay wali uu yahay saddexdii kun koobka shaaha ahi… Arintaas farta lagu fiiqayo ee sababta u ah in dhaqaalahii kobco, Caqligayga yari wuxuu ileeyahay ruuxaas farta ku fiiqayaa, dankaluu wataa ee dhaqaale wanaajin kama aha… Waxaanna qabaa in Golaha Wakiiladu iiga garasho iyo aqoon badan yihiin…

Dhanka Mushaaraadka, waxaan aragnay tan iyo intii dhaqaalo kobocu yimi ciidamo gadood sameeyey oo gadoodkooda sabab uga dhigay mushahar la’aan… Waxaa Dawladdu caddaysay in Ciidamada hawlgala ay qaataan Mushaharkooda iyo waliba gunno… Dawladduna olole ba’an ku waddo Caaglayaasha iyo Ciidamada aan ka diiwaan gashanayn Dawladda… Caaglayaal ciddaan aqoon waa dad ciidan ahaan u qoran oo aan ahayn ciidan oo markii mushaharka la qaadanayo la arko… In arintaas wax laga qabto, runtii waa arin muhiim u ah Puntland… Ciddii aan Dawladda arintaas gacan kasiin, oo baahisa eedayn ay ka dhigayaan in aan mushahar la bixin… Caqligaygaan yari wuxuu ileeyahay ruuxaas soo xiganaya waa ruux dankale wata ee aan wax wanaajin u danlahayn…. In Golaha Wakiiladu Ka taageeraan arintaas Xukuumadda waxaan qabaa inay tahay arin muhiim ah…

Dhanka la xisaabtanka, waxaan dhammaan wada daalacanay arin aan horay loo arag oo Dawladdaan hadda talada haysaa soo bandhigtay arintaas oo ah, in shacabka oo indhahooda iyo dhegahooduba maqlayn dhammaan Golaha xukuumadda lasoo hor fariisiyey Baarlamaanka oo ay suaalo wasaarad wasaarad ah ka hor waydiiyeen shacabka oo wada daawanaya… Waxaan iyana daawannay, la xisaabtankii shacabka ee ka dhacay Gaalkacyo ee Madaxwaynaha Shacabku ay suaalaha warbaahinta laga siidaayey ay ka waydiinayeen… Taasina waxay ahayd arin cusub ee ay Dawladdaani ku tallaabsatay… Waxaan kaloo Daawannay, suaalihii Madaxwaynaha Baarlamaanka xildhibaanadu ku waydiinayeen, ee uu ka jawaabayey… Haddaan la doonayn in la maqlo…. Adigu Mucaarad doqon ah baad tahay in jawaabuhu noqdaan…

Gabagabadii

Armaa Caloow ay maanta muhiim tahay midnimada dhammaan Goloyaasha Dawladda oo in layska horkeenaa laga fiican yahay oo ay iyagu isku dhex mashquulaan, shacabkuna u baahan yahay midnimadaas si ay xaquuqdooda DF uga helaan…

Armaa Caloow isfahanka Goloaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumaddu aanay Cabsi ahayn ee ay yihiin farxad iyo nabad arin horseedi karta…

Armaa Caloow in Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumadda in lagu tilmaamo inay u heshiiyeen shacabka laga qurxoon yahay…

Armaa Caloow u ruclaynta xukun jacaylka iyo Sahalka Goolis ay ka muhiim san tahay danta guud ee shacabka…

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email: aadciiltire@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/Guureey

Website: https://aadciiltire.wordpress.com/

Facebook Page: https://www.facebook.com/AADCiiltire