Animation

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada somaliya oo Amar kusoo Rogay Baardheere & Isgaarsiinta oo maqan hawada

one response
Saturday November 7, 2015 - 6:54 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaano adag saaka ka wada degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada.

Howlgalka ayaa ciidamada amaanka waxay ka sameynayaan xaafadaha degmada Baardheere, waxaana guri guri loo galayaa dhamaan xaafadaha degmada, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Wey adag tahay in faahfaahin dhab ah laga helo howlgalka guri guriga kaga socdo degmada Baardheere, waxaase soo baxaya in xogo amaan oo la helay darted baaritaanadaasi looga sameynayo degmada.

Xalay saq dhexe ayaa shirkadaha isgaarsiinta magaalada lagu amray iney hawada ka saaraan isgaarsiinta magaalada, kadib amar kasoo baxay ciidamada dowlada Ethiopia ee kusugan degmada.

Isgaarsiinta Magaalada Baardheere ayaa hawada laga saaray, ayadoo maalmihii la soo dhaafay sidaanoo kale hawada loo ga saaray.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle

Facebook Comments