Animation

Ergada Beesha Bagadi oo Cabasho ka Muujiyay in Kursiga Beeshaasi ay ku leedahay Aqalka Hoose ee K/galbeed Musuq maasuq lagu sameeyay+Sawirro

no responses
Sunday November 27, 2016 - 8:11 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Baydhabo Waxa ka socda Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaliya Kuwaasi oo Matalaad ku imaan doona Beelaha dagan Deegaanada K/Galbeed .

Kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Qaarkood ayaa lagu Sameeyay Musuq maasuq aad u baahsan Waxaana jirta in Ergooyinkii ay soo gudbiyeen Qaar kamid ah beelahaasi la bedelay oo Ergo aan la aqoon la geeyay Halka doorashada ay ka socoto.

Beesha Bagadi oo Xubno ku leh Aqalka Hoose waxa ay kamid tahay Beelaha Cabashada ugu balaaran qabo Waxaana Kursiga Beeshaas lagu sameyay Musuq maasuq iyo wax is daba marin xoogan.

Ergooyinkii Beesha Bagadi ee Liiska Ergooyinka ku jira ayaa laga saaray waxaana lagu bedelay Ergooyin aan la Aqoon Balse Isticmalaya Magacyada Ergada Saxda ah ee Beesha Bagadi .

Musharax Khaalid Cumar Cali waxa uu u tartmaya Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Bagadi waxaana dhawaan uu tagay Magaalada Baydhabo si uu Xaqiisa uga soo helo Kuraasta Aqalka Hoose Musharaxa waxaa taageersanaay Bulshada uu ka dhashay iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa waxaana loo caleema saaray in Kursiga uu Isaga u tartamo iyo Musharixiin kale Balse Maxaa dhacay????.

Sida aan la wada socono Maalintii Doorashada Baydhabo waxaa hareeyay Musuq baahsan oo aan Cidna u baahneyn in loo sheego Waxaana Muuqata in Guddiga doorashooyinka Heer federaal iyo Kan Dadban ay iska indho tirayaan waxyaabaha ka socda Magaalada Baydhabo.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibada ee xukuumadda Soomaaliya Khaalid Cumar Cali oo Kursiga Beeshiisa u tartmaya ayaa waxaa lagu Sameeyay in uu Baydhabo u joogay sidii uu kursiga Beeshiisa ugu tartami lahaa balse la musuq maasuqay Waxaana uu sheegay isagoo sugaayo in uu tartan galo laga kor keenay Musharax kale oo Kursigiisa u tartamaya taasi oo u muuqata in Wax is daba marin lagu sameeynaayo Kuraastada Beesha Bagadi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in isagoo sugay in tar-tanka uu ka war helay in qof kale uu u tartamayo kursigiisa..

Hadaba iyadoo taasi ay Jirto ayaa Magaalada Muqdisho waxaa shalay Kulan Weyn isugu yimi dhamaan waxgaradka ,odayaasha , Culimada , Haweynka iyo Dhalinyarada Beesha Bagadi Awaasaad Reer Aw xasan waxaana Kulankaasi looga hadlaayay Musuq maasuqa lagu Sameeyay Kursiga Beesha uu u tartamaya Wasiir Khaalid Cumar Cali waxaana ay Cambaareeyen Dhibaatada iyo Wax is daba marinta ka socota Magaalada Baydhabo.

Dadkii kasoo qeyb galay Kulanka ayaa waxa ay dhamaan ka codsadeen Guddiga Doorashooyinka Dadban iyo Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka in Baaritaan lagu sameeyo Doorashada Baydhabo ka socota oo noqotay mid Lagu shubto oo Kuraasta Qaar ee Beelaha la musuq maasuqay.

Wasiir Khaalid oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxad ka bixiyay Sida ay wax uga dhaceen Magaalada Baydhabo isagoona sheegay in Marka uu tagay Goobta ay doorashada ka dhaceyso uu la kulmay Musharax kale oo kursigiisa u tartamya taasi oo Layaab ku noqotay Ergada Beesha Bagadi oo Musharax aysan sugeyn oo iyaga aysan keysan Dushooda laga keenay.

Qaramada Midoobay iyo Guddiga doorashooyinka Dadban waxa ay dhowr jeer sheegen in Cabashooyin Baahsan ay ka imaanaya kuraasta Beelaha qaar waxaana ay cadeeyen in Doorashooyinka ay ku socdaan Hab musuq maasuq ah .

Ergada Beesha Bagadi Awaasaad Reer Aw xasan ee Baydhabo ku sugnaay ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana ay kulan ku yeesheen Hotelka Afrika ee KM4 ee Magaalada Muqdisho waxaana Ergada ay Warbaahinta u Cadeeyeen in Baydhabo waxa ka socodaa aysan doorasho xalaal ah aheyn oo ay tahay Mid lagu shubanaayo Ergooyinkii qornaay ee liiska Ergada lagu darayna aan goobta Doorashada ku sugnay Balse magacyadooda la istcimaalayo.

Ergada waxa ay sheegen in Cabashadooda ay u gudbin doonan Guddiga qilaafaadka Doorashooyinka Sidoo kale Beesha Caalamka ayey ugu baaqeen in ay soo fara galiyaan Doorashada Aqalka Hoose ee Baydhabo ka socota taasi oo aan aheyn Mid Xalaal ku dhisan Musuq maasuq baahsana uu hareeyay.

Hadaba waxaa la sugi doona Jawaabta ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ka bixiyaan Cabashadaan kasoo yeertay Ergada Beesha Bagadi Awaasaad Reer Aw xasan ee Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha uu u ratamaayo Musharax Khaalid Cumar Cali.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Kulanka Muqdisho shalay ka dhacay.

1 2 3 4 5 6 7