Somali News

Ehelada Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand oo loogu yaboohay.

Ehelada dadkii muslimiinta ahaa ee lagu laayay masaajid kuyaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa sanadkan helaya duulimaad iyo adeeg bilaash ah si ay usoo gutaan acmaasha Xajka.

Ku dhawaad 200-xubnood oo kamid ah ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii lagu qaaday masjidka magaalada Christchurch ayaa loogu deeqay in sanadkan si lacag la’aan ah ku tagaan Sacuudiga kuna xajiyaan.

Wasiirka Arimaha diinta Islaamka ee Sacuudiga Sheikh Abdulladif Al Sheikh ayaa sheegay in ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii New Zealand ugu deeqeen duulimaad iyo adeeg bilaash ah si ay looga tiro murugada dhibkii kasoo gaaray weerarka.

”Waxaan casuumnay walaalaha eheladooda ku waayay weerarkii masjidka Christchurch ,waxaan inta karaankeena dhimeynaa laxawgii kaga yimid dhimashada ehelkoodii ,waxaan sidoo kale rabnaa talaabadan in aan kula dirirno islaam naceybka ” Ayuu yiri Sheekh Abulladif.

Related posts

TOP NEWS: Jowhar Maanta Maxaa ka Dhacay iyo Ganacsiga Jowhar oo Maanta isbadal xoogan laga dareemay Akhri sababta?

admin

FALANQEYN: Xagee ayuu ku danbeyn doonaa Mustaqbalka Golaha Kismaayo Waare kadib?

admin

Daawo: Wasiirka gaashaandhigga iyo La Taliyaha Amniga ee madaxweynaha oo beesha caalamka u sharaxay qorshaha amniga

Tifaftiraha K24