Duuliyihii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo sameeyay Duulimaad Milatari ayaa ku geeriyooda Muqdisho

0

Alle ha u naxariistee Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday duuliyihii ugu horeeyay eee soomalia oo sameeyay duulimaad Milatari iyo mid rayid ah.

Duuliye Sare Maxamuud Cabdullaahi Barre (Faytaan) ayaa waayadaan ku xanuusanaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Saakay ayuuna geeriyooday.

Duuliye Sare Faytaan waxaa uu kamid ahaa Xubnihii ugu horeeyay ee lagu aasaasay ciidamada cirka jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna laysinka duulimaadka diyaaradaha uu qaatay 1954tii, wuxuuna ahaa duuliye sameeya duulimaadka Milatariga iyo kan Rayidka.

Alle ha u Naxariistee Duuliye Sare Maxamuud Cabdullaahi Barre (Faytaan) Wuxuu kamid ahaa duuliyeyaashii geli jiray duullimaadyada dhaadheer ee Somali Airlines ay ku tagi jirtay qaaradda Yurub.

Wuxuu ahaa duuliyihii ugu horreeyay ee soomalia oo dalka Masar kasoo duuliyay diyaarad dagaal oo jeet ah noocii ugu horreeyay ee ciidankeenna soomalia 1963dii, wuuxna duuliye ka ahaa Somali Airlines 1964 ilaa 1990kii.