Animation

Duuliyihii Labaad ee Waday Diyaaradii Turkiga soo rideen oo Nolol lagu helay (Daawo Sawirada)

no responses
Thursday November 26, 2015 - 12:20 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Duuliyihii labaad ee waday Diyaaradii dagaal ee laga lahaa Dalka Ruushka ayna shalay soo rideen Diyaaradaha Dagaalka Turkiga ayaa nolol lagu helay, waxaana hada gacanta ku haya Duuliyahaasi Ciidamada Ruushka ee ku sugan Gudaha Siiriya.

Safiirka xukuumadda Moscow ee dalka faransiiska Alexander Orlov, iyo ilo ku dhow dowladda Suuriya waxa ay sheegayaan in duuliyaha ay bad naadiyeen Ciidamada Dowlada Siiriya iminkana lagu hayo goob amaan ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Duuliyahan oo xaaladiisa ay wanaagsan tahay la geeyay xarunta ciidamada cirka ee Ruushka uu ku leeyahay Dalka Siiriya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan Ciidamada Ruushka ee ku sugan Siiriya.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in duuliyaha labaad iyo askeri kaloo howlgalka badbaadinta ka qeybgalaayay la dilay, waxaana Duuliyihii kale ee la dilay uu gacanta u galay xoogag hubeesan oo ku sugnaa Dalka Siiriya.

Diyaarada dagaal ay shalay soo rideen Ciidamada Cirka Dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhalatay xiisad ka dhax aloosan wadamada Turkiga iyo Ruushka, waxa ayna Dowlada Turkiga ku adkeesatay in diyaarada ay soo rideen ay kusoo xadgudubtay hawadoda.

Facebook Comments