Somali News

Duufaano xoogan oo kusoo wajahan Soomaaliya.

Duufaano xoogan ayaa kusoo wajahan Soomaaliya kuwaas oo ka imaanaya badweynta Hindiya sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen hay’adaha la socda saadaasha hawada.

Khubarrada ayaa sheegaya in Todobaadkan iyo kan soo socdaba ay yihiin maalmaha ugu daran ee Duufaanta iyo roob xoog lehba ay ku dhufaneyso dhulalka Xeebaha ee ku teedsan Badweynta Hindiya.

Duufaanahaan oo lasheegay inay ka koobanyihiin ilaa 4 duufaan ayaa waxaa tan ugu soo horeysa lagu magacaabaa  Pawan waxaana la sheegay inay ka soo bilaaban doonto dalka Madagascar kaddibna waxaa iyada oo roob watada ku wajahantahay Xeebaha Koofureed ee Soomaaliya ilaa Bariga Soomaaliya.

Dalalka Seychelles,Madagascar,Sri Lanka  iyo Gobolka Kerala ee dalka Hindya oo dhamaan ku teedsan Badweynta Hindiyaa la filayaa in todobaadkan duufaanta saameyn ku yeelato iyada oo dowladuhuna dadka ugu baaqeen in ay heegan galaan una diyaar garoobaan duufaanta iyo roobka.

Related posts

DF Somalia oo joojisay qaadka laga keeno dalka Kenya & Wasiir ka hadlay….[SABABTA]

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Gudoomiyaha Barlamaanka Jawaari iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Muqdisho ku Laabtay

admin

Maxuu ka dhiganyahay Safarka Madaxweyne Farmaajo uu Dalka dib ugu soo laabtay

Ahmed sudani