Animation

Duufaan hor leh oo ku soo Wajahan Qeybo ka mid ah SOMALIYA.

no responses
Saturday November 7, 2015 - 7:17 under Somali News by admin
mqdefault

Hay’adda maareynta macluumaadka biyaha iyo berriga Soomaaliya ee SWALIM ayaa digniin ay shalay soo saartay ku sheegtay in 36 saacadood ee soo socda ay duufaantaas ku aaddan tahay qaybo ka mid ah Puntland sida qaybo badan oo ka tirsan gobolka Bari.

Dufaantaan oo lagu sheegay magaceeda MECh, ayaa waxaa soo gudbisay hay’adda saadaayaasha hawada dalka Hindia, waxayna sheegtay inay tahay mid ka xoogan duufaantii todobaadkii hore ku dhufatay Puntlnd ee Chapala.

YE

Qubro katirsan saadaayaasha hawada ayaa ka digay waxyeelada ay geysan karto duufaantaan oo xoogeeda ku dhufandoonta jaziirada Socotra maalinta axada iyo isniinta ee todobaadkaan.

Puntland oo weli la daala dhacaysa duufaanta Chapala waxyeelada ay geysatay, ayaa haatan udiyaar garoobaysa sidii qatartaan looga feejignaan lahaa.

KISMAAYO24.COM

ABDI KAFI ABDI ABDULE