Somali News

Duqeyn lala beegsaday xarun ay ku shirayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolkaasi.

Duqeynta ayaa lala beegsaday sargaal sare oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaabiyo ilaaladiisa, xilli uu shir kasoo baxay safarna u ahaa deegaano hoos yimaada degmada Jilib.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa  sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeynta ay dhacday wax yar uun kadib markii uu soo dhamaaday shir looga hadlayay  amniga oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ah.

Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha noo warantay oo xaqiijisay duqeymaha la sheegay in ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.

Inta badan duqeymaha ka dhaco Soomaaliya waxaa fuliso Dowladda Mareykanka, sidoo kalana mararka qaar waxaa fuliyo diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska.

Wixii warar ah ee kusoo kordha  duqeyntaas iyo cidda sheegato waxaad ku akhrisan doontaa wararkeena dambe Inshaa Allah

Related posts

Daawo: Xabsiga weyn ee Baydhabo Shalay Siduu ahaa iyo Maanta iyo sida uu yahay waa Kaaf iyo kala dheeri Bal adigaba Daawo>….

Tifaftiraha K24

Cabdifatax Nuur Mataan oo markale isi soo sharaxay

admin

Golaha Aqalka Sare Oo War Culus Kasoo Saaray Doorashada Koonfur Galbeed Iyagoo…

admin