Duqa Magaalada Muqdisho oo Digniin udiray Milkiilayaasha.

0

Qorshaha cusub ee lagu dar dar galinayo wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho oo ay wadaan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir , ayaa looga digay Milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho , in aysan ka kireyn goobahooda ganacsi , qof aan u diiwaan gashaneen degmada uu ku yaallo Hoteelkaasi.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in Milkiilayaasha Hoteelada wax laga weydiin doono amni darrada ka dhacda xarumahooda ganacsi.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday guddoomiye Yariisow in la helay macluumaad ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin rag looga shakisan yahay in ay isu diyaarinayaan in falal liddi ku ah nabad gelyada ay ka geystaan Caasimadda.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay xalay guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose , kaas oo uu ku faah faahiyay qorheyaal cusub oo lagu dar dar galinayo ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoona uu ka dhawaajiyay in illaa 3000 oo Askari ay ka qeyb qaadanayaan , hanaankaan lagu xaqiijinayo ammaanka , islamarkaana ay xirnaan doonaan Waddooyinka Muqdisho.