Animation

Dr Maxamed Cumar Carte Mas’uul Mudan Madaxweynaha Somalia Isla markana Mideyn kara Somalia

no responses
Saturday October 22, 2016 - 2:39 under Somali News by admin
mqdefault

Ayado Lagu jiro Xili Dalka Somalia ay ka socdan Olaole logu jiro doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa so baxaya mushariixin iyagu is qadimay iyo Musharaxiin lagu la taliyay in ay is sharaxan Madaama ay wax ka badali karaan Siyaasada Somalia.

Masuliyiin, waxgarad, iyo Saalaadiin ka soo kala jeeda Gobolada Somalia ayaa ku talinaya in Dr Maxamed Cumar Carte Qaalib u yahay Masul Mudan Madaxweynaha Somalia keeni karana in Somalia iyo Somaliland ay dib u midooban.

Dr Maxamed Cumar Carte oo dad badanii ay Howlkarniimo iyo daacadnimo ay ku barteen mudadi koobnayd ee uu ku magacownaa Raisalwasaare kuxigeenka Somalia ayaa soo jiitay Quluubta Ummada Somaliyeed iyo waliba beesha Caalamka.

Waxyabaha u Dr Maxamed Cumar Carte uga duwan yahay Siyaasiyiinta Somaliyeed ayaa waxaa ka mid ah Howlkarnimo,Balanta uu qaado oo u fuliyo iyo diinta oo uu sifac ugu dhaqmo.

Sida ay isla qireen dhaman Siyaasiyiinta Somaliyeed Dr Maxamed Cumar Carte waxaa uu xafiiska Raisalwasaare kuxigeenka so fadhista xili Masuliyinta kale ee Dowlada ay hurdaan waxaa sido kale la qiray in Xafiiska Dr Maxamed Cumar Carte uu xili waliba u furan yahay shaqsi kasta oo Somaliyeed ama Xil ha hayo ama shaacab ha ahaade.

Radio VOS iyo K24 News Agency oo Shaqsiga sanadka u Magacabay Dr Maxamed Cumar Carte .

Radio VOS iyo K24 News Agency oo Shaqsiga sanadka u Magacabay Dr Maxamed Cumar Carte .

Sida aan xog hoose ku hayno waxaa jira soo jeedino badan oo Dr Maxamed Cumar Carte u soo jeediyay in uu xiligaan yahay Masul mudan Xilka Madaxweynaha Somalia isla markana yahay Shaqsi manta isku keeni kara Ummada Somaliyeed ee kala maqan mudada ku dhow 25 ka sano balse ma cada in Dr Maxamed Cumar Carte u soo jeedintaasi aqbalay.

Siday xogta aanu hayno sheegayso Dowladaha Maraykanka iyo Midowga Yurup ayaa Dr Maxamed Cumar Carte ku cadaadinaya in uu is sharaxo ayaago sheegay in sanadkaan Somalia laga rabo isbadal dhankasta ah ay Samayso.

Beesha Caalamka ayaa diiday in ay aqbasho gooni isutaga Somaliland waxaayna doonaysa in Somaliland ay si toos ah uga sii mid ahaato Somaliweyn waxaayna Dr Maxamed Cumar Carte u arkaan shaqsiga hadi uu noqdo Madaxweynaha Somalia so dumi kara Somaliland.

Marka la eego dhanka Codadka Barlamanka iyo Aqalka sare ee Somalia ee ayagu leh awooda codeynta Dr Maxamed Cumar Carte ayaa miisan aad u balaran ku leh waxaana Dr Maxamed Cumar Carte hoos yimadan ama u sameyn ku leeyahay Xildhibaano garaya 62 iyo waliba 11 Aqalka sare ah taas oo Dr Maxamed Cumar Carte u sahlaysa in uu si fudud ku soo dhaafo wareega kowaad ee doorashada.

Waxaa Xaqiiq marag ma doonta ah in hadi u Dr Maxamed Cumar Carte Aqbalo sojeedinta Ummada Somaliyeed ee wanaga jeceyl iyo waliba Beesha Caalamka ee uu isi soo sharaxo in u guul la taaban karo ka soo hoyn doono Doorashada dadban ee Somalia ka dhici doonta sanadkaan.

———————
Dr. Ali Dahir
Muqdisho-Somalia