Animation

Dr. Maryan Qaasim :- Somalia wali diyaar uma ahan in….

no responses
Sunday February 12, 2017 - 6:09 under Somali News by admin
mqdefault

Wasiiradii hore ee Dr. Maryan Qaasim ayaa hadalkaas ku sheegtay twitter -keeda kadib marki dad badan ay baraha bulshada soo dhigeen iney ku habiibtayay Xisbiga TAYO, oo ay isla ahaayeen Madaxweynaha, iyadoo ay waliba Guddoomiye ka ahayd.

Hadal-qoraal oo ay Drs. Maryan Qaasim soo dhigtay Barteeda Twitterka ayey ku sheegtay inaysan Somalia xilligan diyaar u ahayn in Ra’isul-wasaare loo magacaabo Haweeney ka soo jeeda Dadka laga tiro badan yahay.

Waxay intaasi ku dartay inay dadaal u geli doonan sidii ay awoodooda isugu geyn lahaayeen sidii ay Madaxweyne Farmaajo.u taageeri lahaayeen.

Drs. Maryan Qaasim Axmed waxay horey u soo qabatay Xilalka Wasiirnimo ee Caafimaadka, Waxbarashadda, Dhallinyarada iyo Sport-ga, iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladdii KMG iyo Dowladda Federalka.