Dowladda Uganda oo Sheegtay in ciidamadeeda jooga soomalia aysan xiligaan awoodin in ay la dagaallamaan alshabaab.

0

Taliyaha ciidamada Uganda Gen David Muhoozi ayaa si cad u sheegay in ciidamada uganda ka jooga soomalia ee qeybta ka ah howlgalka Amisom in ay xilgaan ku adagtahay dagaalka mudada 10 sano ka badan socday ee lagula jiro xarakada Alshabaab.

Taliyaha wuxuu sheegay in hoos u dhac uu ku yimid sahayda ay helaan ciidamadoodu helaan taasi ka hor isgaageysa in weeraro ay ku qaadaan alshabaab .

Saldhigyadooda ayuu sheegay in qaarkood ay ku burbureen weeraro shabaabka kusoo qaadeen wuxuuna dalbaday in la xoojiyo saldhigyada oo dib u habeyn lagu sameeyo si looga gaashaanto weeraro kale oo xarakada uga yimaada.

Gen David Mohuuzi ayaa wuxuu sidoo kale xusay in xetta ay ku adagtahay in ay difaacdaan meelaha ay heystaan iyo saldhigyadooda isagoo midaas u sababeeyay sahayda oo aad u yar taasi oo keentay in ciidamo badan la geyn waayo meelaha qaar ee ciidankoodu ay ku suganyihiin.

Taliyaha ciidamada Uganda ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Daily Monitor ee dalka uganda ka soo baxa ayaa waxa uu aad uga cawda weerarrada dabo galka ah ee dagaallamayaasha alshabaab ku qaadaan gaadiidka sahayda u sida ciidamadooda ee ku sugan meelo kamid ah gobollada dalka wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo ciidamada oo la kordhiyo si loo helo ciidamo illaaliya waddooyinka ay sahaydu usoo marto si shabaabka looga difaaco.

Qiyaastii 22 kun askari oo ka socda qaar kamid ah dalalka afrika ayaa ku sugan soomaalia waxaana muddo 10 sano ah ay dagaal kula jiraan alshabaab iyagoona xetta awoodi waayay in shabaabka ka saaraan magaallooyin muhiim ah oo ay maamulaan iyo in ay ka hortagaan weerarrada qorsheysan ee shabaab ku qaado saldhigyadooda iyo xarumahooda ciidan.