Dowladda Turkiga oo Gaadiidka dadka naafada ah u qeybisay ku dhawaad 80 Ruux oo Muqdisho ku nool+Sawirro

0

Dowladda Turkiga ayaa maanta gaadiidka dadka naafada loogu tala galay u qeybisay ku dhawaad 80 ruux oo kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool caasimadda muqdisho.

Dowladda turkiga oo soomalia la ah saaxiib dhaw iyo walaal markasta garab taagan ayaa deeqdaan gaadiidka ugu tala gashay dadka naafada in ay ka faa’iideystaan waxaana 80-kii ruux ee maanta loo qeybiyay gaadiidka dadka naafada ay si weyn uga mahad celiyeen dowladda turkiga iyo safaaradda turkiga ay ku leedahay magaallada muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow ayaana ka qeyb galay mashruuca ay hay’adda bisha Cas ee dalkaas agab gargaar ah ku siinaysay 80 ruux oo kamid ah dadka qaba baahiyaha gaar ah, waxuu uga mahadceliyey isgarabtaagga dawladda Turkiga ee shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul.