Daawo: Dowladda Soomalia oo shaacisay in si Rasmi ah ay ula wareegtay Ciidamadii uu Imaaraatka Tababaray

0
Kadib markii dowaldda Imaaraat0-ka dhawaan shaacisay in ay jojisay taageerradi milatari iyo tababarradii ciidamada soomalia ay siin jirtay ayaa dowaldda federaalka soomalia waxa ay si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii Imaaraat-ka tababaray ee mushaaraadka uu sin jiray.
 
Ciidamada Imaaraat-ka tababaray oo tiradooda lagu sheegay 2,000 askari ayaa waxaa si toos ah mas’uuliyaddooda ula wareegtay dowladda soomalia.
 
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Gen C/llaahi Caanood ayaa shaaciyay in ciidamadaan maanta waxii ka dambeeyay ay xaqooda ku leeyihiin dowladda Soomaaliya, sida uu sheegayna ay qaban doonaan howl qaran.
 
Genraal Caanood wuxuu sheegay in xaruntii tababarka ee Gen gordon loo beddelay kuliyad ciidan waxaana guuto si gaar ah uu Imaaraat-ka u tababaray loogu magac daray Guutadda Daljir oo leh Taliye iyo Abaanduule.
 
Inkastoo Imaaraat-ka uu agabkii Mlatari ee Xarunta tababarka u tiilay kala baxay haddana wuxuu xarunta uga tagay Gaadiidka waaweyn ee Xamuulka,kuwa dagaalka ee Cabdi Bilayaasha loo yaqaan iyo kuwa Gurmadka deg degga ah ee Ambulace-ta ah.