Dowladda soomalia oo Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah Imaaraat-ka Carabta

0
Security Council Meeting The situation in Somalia

Dowladda Soomaaliya, ayaa golaha ammaanka ee Q.M. u gudbisay ashtako ka dhan ah Imaaraadka Carabta. Waxay dowladda soomalia ku eedeysay Imaaraadka heshiisyo sharco daro ah iyo saldhig milatari oo au sameyneyso magaalada Berbera taasi oo xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo shuruucda caalamiga ah.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan oo khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay fadhigga golaha ammaanka ayaa waxa uu ku eedeeyay dowlada Imaaraadka Carabta heshiiska ay shirkada DP World la gashay maamulka la magac baxay Somaliland waxana uu sheegay danjiruhu inay tahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ka dalbaday jimciyadda qurumaha ka dhaxeyso in talaabo cad ka qaadaan faragalinta qaawan ee Imaaraadka ku sameeyay soomalia.

Waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay golaha ammaanka ah ee Q.M. in uu qaado tallaabooyin wax looga qabanayo xad-gudub ay ku sheegtay inay Imaaradka Carabta ku sameeyeen shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida Soomaaliya iyo cuna-qabateyntii hubka ee saarnedy Soomaaliya. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo koobaya warbixintaasi.

Security Council Meeting
The situation in Somalia