Dowladda Soomalia oo muddo 4 bilood kadib Xayiraaddii dhanka socdaalka aheyd ka qaaday Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur.

0
Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo Xayiraaddii dhanka socdaalka laga qaaday
 
Dowladda federaalka ayaa xayiraaddi dhanka socdaalka ka qaaday siyaasiga c/raxmaan cabdi shakuur warsame oo 17-kii bishii December ciidamada nabad sugidda ay hooygiisa kala baxeen xili habeen ah maadaama xafiiska xeer-laalinta uu kiis la xiriira dambi qaran iyo isku day inqlaab ku soo oogay.
 
Siyaasiga oo maxkamad la horgeeyay ayaa lagu waayay wax dambi ah wixii markaas ka dambeeyay dowladdu waxa ay dul dhigtay xayiraad dhanka socdaalka ah iyadoona loo diiday in uu dalka ka dhoofo isagoo aan fasax ka heysan dowladda federaalka.
 
Bartiisa facebooka ayuu soo dhigay sawir uu ku muujnaayo in uu dalka ka dhoofaayo una socdaalaayo dalka kenya waxaana taasi muujineysa in xayiraaddii dhanka socdaalka ee mudada 4 bilood kabadan saarneyd laga qaaday.
C/raxmaan cabdi shakuur waxaa lagu eedeeyay in uu xiriir dhaw la leeyahay dowladda imaaraat-ka oo qalalaaso siyaasaddeed ka wada soomalia waxaana imaaraat-ka uu dhaqaallo badan ku bixiyaa hagar daamada dowaldda curdunka ah ee ka hano qaaday soomalia taasi oo heysata shacbiyaddii ugu badaneyd ee abid ay hesho dowlad soomaaliyeed.
Xiisaddii ka dhalatay weerarkii ciidamada NISA ku qaadeen hooyga siyaasiga c/raxmaan cabdi shakuur laguna dilay 5 kamid aheyd Ilaalladiisa ayaa la sheegay in xal laga gaaray waxaana warar madax banaan sheegayan in dowalddu ka noqotay kiiskiii ay horay ugu soo oogtay siyaasiga iyadoona sidoo kale dowalddu bixisay diyada askartii ku dhimatay weerarkii lagu qaaday guriga c/raxmaan cabdi shakuur.