Dowladda Soomalia oo Albaabada u laabtay Xabsigii ugu weynaa ee Hey’adda NISA( Godka Jilacoow)

0

Dowladda Federaalka Soomalia ayaa ku dhawaaday in gabi ahaan albaabada loo laabay xarunta godka Jilacoow oo aheyd xabsiga ugu weyn ee Hey’adda NISA ay laheyd.

Wasiirka Amniga iyo wasiirka cadaaladda ayaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in xabsiga godka jilacoow loo beddelay Akadeemiyo lagu tababari doono ciidamada NISA.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bixiyay Amarka lagu xiray Godka Jilacoow Maadama Ay codsadeen Shacabka Soomaaliyeed in Xabsigaas Albaabada loo laabo.

Xabsiga Godka Jilicow waxaa loogu magac daray Gen:Axmed Jilicow Cadow,oo ahaa Taliyihii Nabad sugida ee xiligii Kacaanka, waxaana generaalka lagu dilay magaalada muqdisho sanadki 2007dii.